Ururka Jaamacadda Carabta oo ballan qaaday inay Somalia ka taageeri doonaan Hawlaha Doorashooyinka iyo Mashaariicda.

Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta, Ahmed Abu Kheyd ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu Xarunta Ururkaasi ee magaalladda Qaahira kula kulmay Danjiraha Somalia u jooga Masar, ahna Ergayga Joogtadda ee Somalia ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador C/qani Maxamed Wacays.

Labada Mas’uul waxay Kulankooda kaga hadleen Xiriirka Labada Dhinac iyo Qorshaha Ururka Jaamacadda Carabta ee ay ku taageerayso Somalia.

Wargeyska Alahraam ee ka soo baxa magaalladda Qaahira oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa qoray inuu Axmed Abu Kheyd sheegay inay Somalia xilliga dhow ka hirgelin doonaan Mashaariic Horumarineed,.

Ambassador C/qani Maxamed Wacays ayaa isagana sheegay in Kulankii uu la yeeshay Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta ahaa mid Dhiiri-gelin leh, isla markaana rajo u abuurayo Ummadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Kormeerayaal ka socda Ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa inay yimaadaan Somalia, si ay Goobjoog uga noqdaan Doorashadda Somalia ka dhici doonta dabayaaqadda bisha soo socota ee November.