Maraykanka oo shaaciyey inay xoojinayaan Taageeradda ay Dowladaha Gobalka ka siiyaan La-dagaalanka Xarakadda Alshabaab

Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka, Ned Price ayaa sheegay inay sii wadi doonaan Taageeradda ay Dowladaha Gobalka ka siinayaan sidii looga guuleysan lahaa Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay inay Dowladaha Gobalka iyo Hawlgalka AMISOM kala shaqeyn lahaa sidii looga hortegi lahaa Weeraradda Alshabaab iyo sidii loo sugi lahaa Ammaanka Gobalka, waa sida uu hadalka u yiri.

“Dowladda Maraykanka waxay la garab taagan yihiin Dadka Soomaalida iyo kuwa Kenya sidii loo xoojin lahaa Ammaankooda, loona kordhin lahaa Fursadaha dhamaan Muwaadiniintooda” ayuu yiri Ned Price.

Dhinaca kale, Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka, waxa uu sheegay inay si xooggan u cambaaraynayaan Weerarkii ay Alshabaab  shalay ka geysteen Hotelka Bisharo Guest House ee magaalladda Mandera ee W/bari Kenya, laguna dilay 12 qof.

Waxa kaloo uu cambaareeyey Weerarkii Is-qarxinta ee ay Xarakadda Alshabaab shalay ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka Jabuuti ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin magaalladda Beled-weyne ee Gobalka Hiiraan, wuxuuna sidoo kale u tacsideeyey  qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxaasi.