Maleeshiyo Taabacsan Daacish oo baroosinka dhigatay Degmadda Qandala ee Gobalka Bari.

Maleeshiyo Taabacsan Daacish oo baroosinka dhigatay Degmadda Qandala.

Wararka naga soo gaarayo Degmadda Qandala ee Gobalka Bari ee dalkeenna ayaa sheegayo in Maleeshiyo taabacsan Kooxda Daacish la wareegeen Degmadaasi, iyadoo aysan wax iska caabin ah kala kulmin Ciiddanka Puntland ee ku sugnaa Degmadaasi.

Maamulkii Puntland uga mas’uulka ah Qandala ayaa la sheegay inay ka wada huleeleen Deegaankaasi, waxaana la sheegay inay badankooda u kala ambabaxeen magaallooyinka Garowe iyo Bosaaso.

Dadka Deegaanka ayaa u sheegay Dalsan Radio inay Maleeshiyadaasi Calanka lagu yaqaano Kooxda Daacish qotomiyeen bartamaha Qandala.

Isku-day ay qaar ka mid ah Odayaasha Deegaanka ku doonayeen inay Maleeshiyadda Daacish kaga saaraan Qardho ayaa fashilantay, kadib, markii ay Horjoogayaasha Daacish sheegeen inaysan amar ku qabin inay ka caraabaan Qandala.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmadda Qandala, Jaamac Maxamed Quurshe ayaa xaqiijiyey inay Maleeshiyo taabacsan Daacish qabsadeen Qandala, wuxuuna tiradooda ku sheegay kuwo fara-ku-tiris ah.

Maleeshiyadda Daacish ee ka hawl-gala Goballadda hoos taga Maamulka Puntland waxaa hoggaamiya  Sheekh C/qaadir Muumin oo horey uga soo goostay Xarakadda Alshabaab sannadkii hore.

qandaladaacish-qandala