Kenya oo shaacisay in Al-shabaab aysan ku lug laheyn weerarkii Mandhera, kuna eedeeysay..

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in kooxda Al-shabaab aysan ka dambeynin weerarkii xalay ka dhacay degmada Mandhera ee gobolka woqooyi bari Kenya.

Isku duwaha arrimaha amniga gobolka Waqooyi Bari ee Kenya Maxamud Saalax ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Al-Shabaab ay ka dambeysay weerarkii xalay lagu qaaday Mandera.

Maxamud Saalax ayaa sheegay in weerarka ay ka dambeeyeen wax uu ugu yeeray burcad deegaanka Mandera ka soo jeeda, wuxuuna tilmaamay in Xuduudda ay xiran tahay lixda maqribnimo illaa aroortii, aysanna suuragal ahayn inay kooxo hubeysan ay ka soo gudbaan.

“Way cadahay in shacabka Mandera aysan la shaqeyneynin laamaha amniga oo aysan keeneyn warar sugan oo keeni kara in dableyda la xiro ama laga daba tago” ayuu yiri isku duwaha.

Qaar ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaasi waxaa la aaminsan yahay inay ahaayeen masuuliyiin ka yimid magaalada Nairobi oo ku howlanaa diyaarinta imtixaanaadka Qaran ee dugisyada sare.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambaysay weerarkan xalay lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya oo ay ku dhinteen 12 ruux, waxayna xuseen in bartilmaameedku ahaa dadka Masiixiga ah ee aan ka soo jeedin degmada Mandera.