Hayadaha oo ka walaacsan xeerka ka hortagga argagixisnimada

Ciidanka nabad-sugidda ayaa lagu soo warramayaa iney kaga adkaan karto sidii uu war-bixin uga heli lahaa falalka la xiriira argagixis-nimada mar haddii la adkeeyo shuruucda la xiriira ka hor-taggooda.

Xaaladahaa ayaa ka muuqda jawaabaha tala-bixinta ee hayaduhu ka dhiibteen xeerka oranaya in la xaarantimeeyo ka qayb-qaadashada dagaallada iyada oo laga garab dagaalamayo kooxaha xag-jiriinta.

Laga soo bilaabo 1-dii bishii abriil ee sannadkan 2016 ayaa la xaaraantimeeyey in safar dalka dibaddiisa loogu baxo iyada oo looga gol leeyahay sidii looga garab dagaalami lahaa kooxaha xag-jiriinta. Halka uu qorshaha iminka lagu talo jiraa yahay sidii loo mamnuuci lahaa in guud ahaan qayb laga noqdo dagaallo sokeeye ee salka ku haya ururro xag-jir, xitaa haddii aannu shakhsigu si toos ah faraha ugula jirin dagaalladaa. Hase yeeshee uu gacan ka geeysto howlo ey ka mid yihiin gaadiidka, cunno karin, gacan siin iyo wixii la mid ah.

Goolka laga leeyahay xeerkan ayaa ah sidii looga hor-tegi lahaa iney dalkan ka safraan muwaadiniin qayb ka noqda dagaallada xag-jirka. Hayadda nabad-sugidda ayaa horay u sheegtay iney Sweden ka ambabaxeen sannadihii ugu dambeeyey dadyoow tiradooda lagu qiyaasey 300 oo ruux sidii ey uga garab dagaalami lahaayeen xoogagga islaamiyiinta ee ka aloosan dalka dibaddiisa.

Horay ayaa loo ogsoonaa inay hayadda xeer-ilaaliyeyaashu wanaag u aragtay wax ka bedelka xeerka, halka ay hayadda nabad-sugidda oo maanta tala-bixinteedii gudbisay ay sheegtay inuu yahay xeer cabsi-gelin kara dadyoowga ku talo jira iney u socdaalaan sidii ey uga barbar-dagaalami lahaayeen ururrada argagixisada iyo in xeerkani sidoo kale qabanayo dadyoowga aan dagaallada gacan ka geey-san hase yeeshee ku taakuleeya siyaabo kala duwan.

Balse ay sidoo kale talo-bixinta ku qoran tahay inay adkaanayso sidii loo muujin lahaa in dembi la galay iyo sidii ay hayaddu uga hor-tegi lahayd falalka la xiriira argagixisada ee Sweden ka dhici kari lahaa.

Hayadda nabad-sugidda ayaa aamin-san inay saameeynta uu xeerkani ku yeelan karo ay ka mid tahay iyada oo ey kor u kacaan baarista dacwooyinka arrimmahan la xiriira oo kolka baarisyo noocaasi ahi socdaanna aanay hayaddu qayb ka noqon karin ama ka war-heli karin war-bixinnada laga helo hayadda magaceeda loo soo gaabiyo FRA ee ku howlan arrimmaha signaallada. Iyadoona ey labada heyadood ee Säpo iyo FRA-ba soo jeediyeen talo-bixin ah in loo baahan yahay in xeerka dib loogu noqdo.

Qaybaha kale ee iyaguna diidmada kala hor-yimid xeerkan ayuu ka mid yahay ururka gar-yaqaannada (advokatsamfundet) iyo gar-yaqaanka dawladda (justitiekanslern). Sidoo kale qaar ka mid ah maxkammadaha, jaamicadda Uppsala iyo akadeemiyada ciidammada ayaa farta ku fiiqey iimo uu xeerkani leeyahay, tusaale ahaan sidii dembiyadan loo baari lahaa iyo caddeeymaha dembiyo dalka dibaddiisa ka dhacey.

Fredrik Wersäll, ahna madaxa maxkamadda racfaanka ee Svea hovrätt ayaa sidan ku macneeyay caqabadda uu xeerku yeelan karo.

– Xaaladda noocani oo kale ah waa in la isku miisaamo falalka la dooneyo in la xaaraantimeeyo iyo sidii loo caddeeyn lahaa kolka fal-dembiyeed laga soo oogo. Waxba kama qabno in la dembiyeeyo, hase yeeshee waxaan feker ka qabnaa habkii loo socodsiin lahaa. Habkii maxkamadda looga caddeeyn lahaa inuu fal-dembiyeed dhacay.

Qolyaha iyagu taabac-san xeerkan ayey ka mid yihiin wasaaradda difaaca iyo guddiga qaran ee ka hor-tagga argagixisada