Ganacsade u dhashay Suudaan, balse haysta Baasaboorka Somalia oo lagu maxkamadeynayo Nairobi.

Maxkamad ku taalla magaalladda Nairobi waxaa shalay la soo taagay Nin Gnaacsade u dhashay dalka Sudan oo lagu magacaabo Xasan Babakar Osman, kaasi oo watay Baasaboorka Somalia.

Boliska Kenya waxay Maxkamadda ka codsadeen in la siiyo muddo 20-maalmood oo dheeraad ah, si ay u dhamaystiraan Baaritaanka Kiiskiisa.

Ninkaasi La-tuhunsan yahay ayaa la sheegay in lagu xiray gurigiisa oo ku yaalla Deegaanka Muthaiga North ee Nairobi.

Wargeyska The Star ayaa qoray in Ganacsadahaasi u dhashay Sudan, balse wata Baasaboorka Somalia uu ku hawlanaa sidii uu Dhallinyaradda Kenyanka ugu tashkiilin lahaa si ay ugu biiraan Kooxda Daacish.

Maxkamadda waxaa kaloo loo sheegay inuu Eedeysanaha wato Dukumentiyo Been Abuur ah oo ka soo baxday Xeer-ilaalinta dalka Sacuudiga iyo isagoo iska dhigayey inuu yahay Amiir ka tirsan Boqortooyadda Sacuudiga oo Kenya u yimid Arrimo Ganacsi

Dacwad-oogayaasha waxay kaloo sheegeen inay Dowladda Sacuudiga doonayso in lagu wareejiyo Eedeysanaha, si loogu soo oogo inuu isticmaalay Warqad Xeer-ilaalinta o ola been abuuray si uu dadka ugu khiyaano Lacagtooda.

Qoraal ay Baarayaasha u gudbiyeen Maxkamadda ayaa lagu xusay Warar dhinaca Sirdoonka oo lagu muujiyey inuu Eedeysanaha xubin ka yahay xubno aan la aqoonin oo Kooxda Daacish u qora Dagaalyahano ku sugan gudaha iyo dibedda Kenya.

Dhinaca kale, Boliska Kenya waxay u sheegeen Maxkamadda inay doonayaan inay ogaadaan qaabka uu Eedeysanaha ku helay Baasaboorka Jamhuuriyadda Somalia, iyadoo la og yahay inuu Eedeysanaha yahay Muwaadin u dhashay dalka Sudan.

Boliska waxay kaloo sheegeen inay doonayaan inay la xiriiraan Safaaradaha Somalia, Sacuudiga iyo Sudan ku leeyihiin Nairobi si loo xaqjiiyo Dhalashadiisa ku aadan Baasaboorka uu wato iyo Qoraalka ku saxiixan Xeer-ilaalinta Sacuudiga.

Qareenka oo lagu magacaabo Cliff Ombeta ayaa sheegay in falka lagu soo xiray Eedeysanaha tahay shirqaal ay dhigeen dad uu kala dhexeeyo Tartan Ganacsi iyo inay ka dhacaan dhul weyn oo uu ku leeyahay Gobalka Kilifi.

Dhinaca kale, Maxkamadda ku taalla Nairobi ayaa la filayaa inay maanta mar kale dhegeysato dacwadda loo haysto Ganacsadaha u dhashay Sudan, ee la sheegay inuu Baasaboorka Jamhuuriyadda Somalia ku meel-maro.

Ma kala cadda qaabka uu ku helay Baasaboorkaasi, xilliga loo sameeyey iyo cidda u fududeysay iyo inuu Baasaboorkaasi yahay mid la been abuuray