Muwaadin Somali oo lagu xiray Jesiiradda Malta.

Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Jaamac Axmed Cali ayaa lagu soo oogay inuu Tooreey ku dhex watay goob laga cunteeyo oo ku taalla caasimadda Jesiiradda Malta ee Valletta.

Eedeysanaha oo 33 jir ah ayaa la sheegay inuu Tooreyda ku geysan lahaa Dembi, iyadoo mid ka mid ah Goobjoogayaasha u sheegay Maxkamadda in Tooreyda isagu lagu waxyeeleyn lahaa.

Dacawad-oogayaasha Maxkamadda ayaa codsaday in Eedeysanaha lagu sii hayo Xabsiga, ilaa baaritaano kale.

Eedeysanaha waxa uu beeniyey arrintaasi, balse waxay Maxkamaddu amartay in lagu sii hayo Xabsiga