Madaxweynaha Puntland: Dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo xamar ayaa laga soo abaabulay

img_9189Madaxweynaha Puntland-Soomaaliya Dr.Cabdweli Maxamad Gaas ayaa soo gaaray  magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada.

Maamulka gobolka Bari, kand degmada Bosaso iyo bulshada qeybaheeda kale duwan ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyey magaalada Bosaso.

Prof. Gaas ayaa ka yimid dalalka Itoobiya iyo wadanka isutaga Imaaraatka Carabta oo uu ku sugnaa sagaal maalood, kadib markii uu casuumaad ka helay madaxda dalalkaasi.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay safarada uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo Isutaga Imaaraatka Carabta in uu ahaa socdaal la xiriira kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Waxa uu intaasi ku daray madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxmad Gaas in safaradaasi ay ahaayeen safaro wanaagsan oo Puntland wax badan uga soo kordhaya.

Mar uu soo hadal qaaday madaxweyne Gaas dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in dalka uu marxalad adag ku jira oo magaalada Gaalkacyo laga wado dagaalo, dagaalkaasi oo aan ahayn meesha laga soo duulay  Cadaado, oo waxa laga soo duulay waa xamar oo waxaa mug weyn ku leh dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

…Cadow mar walba duulaan kugu ah, ma aqan si wax lala dhisanayo oo dowladd lala wadaagayo ayuu yiri madaxaweynaha puntland Dr.cabdiweli Maxamad Cali Gaas,

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay shacab Puntland in ay xoojistaan amnigooda oo difaacdaan dalkooda kana shaqeeyana midnimadaSoomaaliya.

Ugu dambeen Madaxweyanha ayaa sheegay in ay doonayaan derisnimo wanaag, midnimo, maamul walbana uu dhankiisa u hormaro oo laga shaqeeyo midnimo Soomaaliyeed