Badmaaxiinta oo sheegay in lagu khasbi jirey inay dooli cunaan

Arnel Balbero oo ka mid ah Badmaaxinta la sii daayey ayaa sheegay in lagu khasbi jirey inay cunaan wax kasta oo ay heli karaan, si ay u sii noolaadaan.

Isagoo la hadlayey BBC-da ayuu sheegay inay cuni jireen Dooliga, lana siin jirey xoogaa biyo ah maalin kasta.

dooliWaxa uu tilmaamay inay Burcad-baddeeda ula dhaqmeen Badmaaxiinta sidii Xayawaanka oo kale.

Badmaaxiinta la sii daayey waxay haatan ku sugan yihiin Nairobi, iyadoo la filayo inay u kala dhoofaan dalalka ay ka soo kala jeedaan.