SAWIRRO: Mid kamid ah Beelaha Puntland oo Cabasho ka muujisay Habraaca Doorashada Aqalka Hoose…

Nabadoonada iyo Odayaasha Beesha Cali Saleeban ayaa Shir jaraa,id oo ay maanta ku qabteen Garowe ku sheegaay in la baalmaray Habraaca Doorashooyinka Dad-ban ee Soomaaliya.

Nabadoonada beesha Cali Saleeban ayaa sheegay in la so gudbiyay dad ay si gaar ah uso wada Qorteen Maxmud Xayir oo Afartii Sano ee la so dhaafay ka mid ah Baarlmaanka soomaaliya iyo beel daajaha  Cali saleeban,kuwaaso doonaya inay tashi la,aan so saaren cid ay rabaan.

Nabadoona iyo Wax-garadka la Hadlay warbaahinta ayaa Gudiyada Doorashada Puntland iyo soomaaliya  uga baaqay in ay il dheeri ah ku eegan khaldaad ay ku kacayaa qaar  ka mid golaha Dhaqanka oo u ka mid yahay Beeldaadsha Cali saleeban.

Sidoo kale,Nabadoona ayaa sheegay in aysan marnaba aqabalayn Ergooyinkan la so xulay ee aanan lagala tashan iyo in cid gooniya geed lagu xiro Musharaxiinta kale ee ku tartamaya kurisga Aqalka sare.

Dhinaca kale Musharaxiinta U Tartamaysa Xubana Aqalka hoose ee beesha Cali saleeban oo ah hal Xubin ayaa sheegay in loo bahan-yahay in lo cadaaladd sameeyo Tartamayaasha,laguna xusho aqoontooda deegaan,Dad iyo Wax-qabadkoodii hore,iyadoona ku celceliyay in Cadaalad ay tahay Tiirka ugu wanaagsan ee lagu kala saari karo Musharaxiinta Beesha Cali Saleeban…

Ugu Danbaytii Hadalkan ka so baxay Nabadoonadan Cali Saleeban ayaa imaanaya iyadoo dhawaan la filayo in doorashada Xubanaha aqalka hoose oo ay codaynayaan Ergooyin 51 Xubnood ah ay ka dhacado Maagaalada Garowe ee Caasumada Puntland.

img_2833img_2832img_2831img_2830img_2829img_2824img_2825img_2826img_2827img_2828img_2823img_2822img_2821img_2820img_2819img_2813img_2808img_2809img_2810img_2815img_2814img_2818img_2817img_2811img_2812img_2805img_2804img_2803img_2806img_2807img_2800img_2801img_2802