Madaxda Boqortooyadda Sacuudiga oo Madaxweynaha Somalia u soo dirtay Dhambaal lagu soo aadiyey Munaasabad Qaldan.

Mar aan shalay akhrisanayey Wargeyska Al-riyadh ee ka soo baxa caasimadda dalka Sacuudiga ayaa waxaa isheyda soo jiitay Qoddob-wareed ku aadanaa Boqorka Sacuudiga oo Dhambaal  Hambalyo u soo diray Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh.

Dhambaalkaasi waxa uu Boqorka Sacuudiga ugu hambalyeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Munaasabadda 21-ka October oo uu Boqorka Sacuudiga ku sheegay inay tahay Maalinta Xorriyadda Somalia ama Maalinta Qaranka Somalia.

Waan jeclaa inaan Qoddobkaasi dib loo naqdiyo, balse waxaan ka fiiriyey inuusan Qaladkaasi ahayn mid aan sidaas u weynayn.

Laakiinse, waxaan dareemay in Boqorka Sacuudiga ku degdegay Dhambaalka lagu soo aadiyey Munaasabad Qaldan, mana jirto xitaa Diplomaasi Sacuudiyaan ah oo ku dhiiraday inuu qaladkaasi saxo.

Sidoo kale, Safaaradda Somalia ee Riyadh ayaan ku baraarugin arrinkaasi, loona baahnaa inay Madaxda Sacuudiga u ifiyaan in Munaasabadda Maalinta Qaranka Somalia loo dabaal-dego 1-da Luulyo iyo inay 21-ka October tahay maalintii ay Dowladdii Kacaanka la wareegeen Xukunka Somalia sannadkii 1969-dii.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis ugu soo hambalyeeyey Madaxweynaha Somalia munaasbaadda Maalinta Qaranka.

Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Naa’if Bin C/casiis iyo Dhaxal-sugaha Labaad, ahna Ra’isul-wasaaraha iyo Wasiirka Difaaca Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan Al-sacuud ayaa iyagana Dhambaal Hambalyo u soo diray Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ugu hambalyeeyeen Maalinta 21-Oktobar.

HALKAN KA AKHRISO SAXAAFADDA SACUUDIA WARKA AY KA QOREEN DHAMBAALKAASI:

Links: http://www.alriyadh.com/1541988

Links: http://makkahnewspaper.com/article/103485

Links: http://www.al-madina.com/node/703638

Links: http://www.okaz.com.sa/article/1503461