War Deg Deg ah: Dagaal Dib uga Qarxay Magaalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku soo warramaya in dagaal aad u culus uu dib uga bilowday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka bilowday mar kale Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dagaalkaan ayaa u dhexeeya Ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug iyadoona la soo warinayo in hubka Fud fudud iyo kuwa cul culus labada dhinac ay isweedaarsanayaan.