SHIRWEYNIHII 1-AAD EE DALADDA QURBO-JOOGTA PUNTLAND EE YURUB (PEDAN) OO MAANTA FURMAY.

SHIRWEYNIHII 1-AAD EE DALADDA QURBO-JOOGTA PUNTLAND EE YURUB (PEDAN) OO MAANTA FURMAY.

Magaalada Borlange ee Dalka Sweden waxa ka furmay Shirweynihii 1-aad ee Jaaliyaddaha Puntland ee Yurub, Shirkan oo socon doona mudo 5-beri ah ayaa waxa soo qaban qaabiyay PDF Borlange.

Dhamaan Ururadda xubnaha ka ah Daladda PEDAN ee Yurub ayaa kasoo qayb galay.

Martisharafta shirka kasoo qayb gashay waxa ka mid ah Wakiilka Puntland ee Scandanevianka, Safiirka Soomaliya u fadhiya Senegal AMb. Awliyo, Saxfiga weyn Maxamed Ibraahim Terra, Qoraa Abdiaziiz Xildhibaan.

Martisharafta kale ee shirka kasoo qayb gashay ayaa waxa ka mid ahaa Jaaliyaddaha Puntland ee ka kala yimi wadamada Ireland, Finland, Sweden, Norway, Denmark, Italy, Holland, Austeria, Uk, iyo marti sharaf ka kala yimi Jarmalka iyo Belgam.

Furitaankii shirka waxa ka hadlay Gudoomiyaha PDF Borlange Ali Muuse iyo Mursal Isse oo ah County Councalka gobolka Dalarna kuwasoo dhamaan soo dhoweeyay martisharafta , waxayna Hambalyo u direen daladda Pedan oo sanad jirsatay.

Masuuliyiinta ka hadlay Furitaanka shirka waxa ka mid ahaa Ex-Xildhibaan Jaamac Salaad Yuusuf oo ka mid ah Odayaasha PDF Borlange.

Masuuliyiinta kale ee ka hadlay waxa ka mid ahaa Saxfiga weyn Maxamed aadan Terra iyo Suldaan Maxamed Yuusuf Cabdi. waxayna Hambalyo u direen Daladda PEDAN ee Sanad Jirsatay.

Shirka dhowaan waxa kusoo biiri doona oo Kalmado furitaan ah ka jeedin doonta Gabadha duqa Magaalada ka ah Borlange iyo Masuuliyiin kale.

Wixii Faahfaahin ah waad idiin soo Gudbin doonaa Insha allah.

qurba4 qurvab

qurba-3 qurba1