HRW oo ugu baaqday Dowladda Federalka in lala xisaabtamo kuwa dhibaateeya Saxaafadda Xorta.

Hay’afda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa walaac xooggan ka muujisay Weeraradda lagu hayo Warbaahinta Madaxa Bannaan ee ka hawl-gala gudaha dalka Somalia.

Warb ixin ay Hay’adda HRW soo saartay ayaa waxaa Hal-ku-dheg loogu dhigay: “Xorriyadda Warbaahinta oo weerar kaga socdo gudaha Somalia”, waxayna Hay’addu ka hadashay Tacadiyadda ugu dambeysay ee ay Suxufiyiinta kala kulmaan gudaha Somalia.

Warbixinta waxaa lagu soo hadal-qaaday Falalkii Xarigga ee isbuucan loo geystay Tifaftiraha Wargeyska Xog-ogaal, Cabdi Aadan Guuleed iyo Weriye-Wareedka Telefishinka Aljazeera, Xamsa Maxamed, Labo Sawir-qaade  iyo qof Jiheeye ahaa oo la socotay.

Human Rights Watch waxay sheegtay in Weriyayaashaasi la sii daayey, kadib, markii ay Hay’adda NISA u xirnaayeen dhowr maalmood.

Qoraalka ay Hay’adda Human Rights Watch ka soo saartay Xarunteeda Dhede ee ku taalla magaalladda New York ee dalka Maraykanka waxay kaloo ku bidhaamisay inaysan Dowladda Federalka weli soo qabanin dadkii ka dambeeyey dilkii Allaha U Naxariistee C/casiis Maxamed Cali “Xaaji”m kaasi oo muddo haatan laga joogo wax ka badan hal bil lagu dilay Degmadda Yaaqshiid ee magaalladda Muqdisho.

Marxuumkaasi oo u shaqeynayey Radio Shabelle ayaa noqday Weriyihii 2-aad ee sannadkan lagu dilo magaalladda Muqdisho iyo Weriyihii 11-aad ee laga dilo Idaacadda Shabelle ee Muqdsisho.

Dhinaca kale, Human Rights Watch waxay tilmaamtay in ay Xorriyadda Somalia la kulmaysay dhibaatooyin badan tan iyo muddadii dheereyd ee ay socdeen Colaadaha Hubeysan.

Warbixinta Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo Falalka Handadaada iyo Carqaladeynta ee ay  Ciiddanka Sirdoonka  ku hayaan Weriyayaasha, waa sida lagu xusay Warbixinta Hay’adda Human Rights Watch ka soo saartay Caqabadaha haysta Warbaahinadda Madaxa Bannaan ee ka hawlgala gudaha Somalia.

Hay’adda Human Rights Watch waxay kaloo ugu baaqday Beesha Caalamka inay Dowladda Federalka Somalia ku cadaadiyaan sidii hubaal looga dhigi lahaa in dhamaan kuwa mas’uulka ka ah Handadaada iyo Cabsi-gelinta  ka dhanka ah Suxufiyiinta la soo qabto si loola xisaabtamo.

QM waxay diiwaan-gelisay in 30 Saxafi lagu dilay gudaha Somalia laga bilaabo markii ay Dowladda xukunka qabatay sanadkii 2012-kii ilaa iyo bishii June ee sannadkan 2016-ka.