Xaashi Cumar: “Waxaan u mahad celinayaa Saxafiyad gacan ka geysatay baaritaanka inaan lahayn wax dembi ah

Maxkamadda Rafcaanka ee Perugia ee dalka Talyaaniga ayaa sii daysay Dhibane Xaashi Cumar Xasan oo isagu ku eedeysnaa inuu ku lug lahaa dilkii Saxafiyad la oran jirey Ilaria Alpi iyo Sawir-qaade Miran Hirovatin, kuwaasi oo bishii March ee sannadkii 1994-kii lagu dilay Muqdisho.

Dhibane Xaashi Cumar Xasan waxa uu had iyo jeer ka sheegi jirey Maxkamadaha Talyaaniga in berri ka yahay Kiiska lagu soo oogay, balse, Garsoorka Talyaaniga kuma qancin qiraalkiisa.

Shalay ayaa laga sii daayay Xabsiga, kadib, markii uu Xabsiga ku soo qaatay 16 sanno oo ka mid ah 26-kii sanno ee lagu xukumay.

Qolka Maxkamadda waxaa la joogtay Hooyadda dhashay Saxafiyadda la dilay ee Ilaria Alpi, taasi oo marar badan sheegtay inuusan Dhibane Xaashi Cumar Xasan ahayn qofkii dilay gabadheeda.

Maamadda oo lagu magacaabo Luciana waxay sheegtay ku-dhawaad 23-sanno dilka gabadheeda kadib inaysan garanaynin waxay samayso, kuna daashay beenta ay buuxiyeen dadka soo dhoodhoobay Dacwadda.

“Gabadheyda iyo Miran Hrovatin waxay u geeriyoodeen kulaylkii markaasi ka jiray Muqdisho” ayey tiri Mama Luciana Alpi oo intaasi ku dartay inuusan Xaashi marnaba dhihin ama qiranin  inuu kiiska dhinaciisa yahay.

Waxay kaloo sheegtay inay taasi muujinayso inuu Xaashi Cumar Xasan nadiif ka yahay Kiiska dilka gabadheeda.

“Xukunkan waxa I siiyey  farxad weyn, waayo waxaan had iyo jeer u dagaalami jirnay inuu yahay qof aan Dembi lahayn” ayey tiri Luciana Alpi.

chiara-cazzanigaDhinaca kale, Dhibane Xaashi Cumar Xasan oo ka hadlay gebagebadii Maxkamadda sii daysay, waxa uu sheegay inuusan u mahad celinaynin Dacawad-oogayaasha Rome ama qof kale, balse uu u mahad celinayo Saxafiyadda  lagu magacaabo Cazzaniga Chiara oo ah Saxafiyad dabagal ku samaysay, isla markaana waraysatay Markhaatigii ugu weynaa ee Dacwadaasi.

Cazzaniga Chiara ayaa iyadana sheegtay haddaysan dabagal ku samayn lahayn ogaanshaha Xaqiiqda Kiiskaasi inuu Dhibane Xaashi Cumar Xasan ku sii jiri lahaa Xabsiga.

free-hashi

Xigasho: Giornalistitalia.it