FALANQEYN XASAASI AH: Lama filaanadii maanta ka dhacay Xarunta Baarlamaanka ee Puntland, Maxaadse ka og tahay??

Tartan adag oo siyaasadeed ayaa ka dhacay maanta xarunta baarlamaanka dawladda Puntland,kaas oo codka kalsoonida lagu siinayey Musharaxiintii u taagnaa ka mid noqoshada xubnaha Aqalka Sare ee dawladda Faderaalka u matali doona gobalada Puntland.

Kulamada Xiisaha badan ee ka dhacay Kalfadhiga baarlamaanka ee maanta waxaa kamid ahaa doorashadii Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake VS Aamino Cabdullaahi, Dr Faroole VS Cabdi Mahdi, Jurille iyo Hibo, Giiri VS Farxaan.

Falanqeeyaasha Siyaasada ayaa rumeysan in markii hore ay ciyaarta galeen Siyaasiin ay ka mid yihiin Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo kowdiiba lala galay tartan adag oo siyaasadeed, waxaana la dhaliilayaa in haddii uu dagaal tagi lahaa khatar weyn oo siyaasadeed ay soo wajihi doonto.

Jeneraal Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo kamid ahaa Asasayaashii Puntand ayaa guuldareystay, waxaana ka guuleystay Farxaan Cali Xuseen oo ahaa Siyaasin da’ayar oo aan horey loo saadaalin, lana rumeysan yahay in uu qeyb ka ahaa dagaal Siyaasadeed bilowka ahaa kalfadhiga baarlamaanka maanta.

Arrimaha xiisaha leh ayaa ahaa Prof Jurille oo hal cod kaga guuleystay Gabadhii la tartamaysay, taas oo ahayd kulamada xiisaha leh ee kadhacay Aqalka Baarlamaanka.

Sheekada Xiisaha leh ayaa in laga guuleystay Jen, Siciid Maxamed Xirsi Morgan oo si weyn loo saadaalinayey in uu ku soo baxo xubnaha Aqalka Sare, iyadoo Martida lagu casumay shirkan ay si aad ah niyad ugu hayeen in uu soo baxo Jeneraalkan, laakiin Ganacsade rugcadaa ah oo kamid ahaa raggii wax ka dhisey Puntland ayaa si adag uga guueystay, waxayna ku noqotay Jeneraalka & Saaxiibadiisa Guuldarro Siyaasadeed.

Lama fileyn in uu soo baxo Bootaan Barre Samatar oo ahaa ganacsade, kana mid ahaa dadkii wax ka dhisey Puntland, ayaan rajo badan laga qabin soo bixidiisa, laakiin markii ay bilaabatay tirinta codadka ayaa saameyntisa Siyaasadeed oo xoog leh loo tagey.

Puntlandtimes oo dareenkiisa weydiisay Xildhibaan Bootaan Barre Samatar wuxuu si kaftan ah u sheegay in ay wali harsan tahay Cadaaladdu, oo ula jeeday in uu wax badan tirsanay, laakiin wuxuu sheegay in uu mahad celinayo baarlamaanka Puntland..

Guuldaradda ku dhacday Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) ayaa ah mid si weyn loogu dareemayo baraha bulshada, laakiin su’aalo badan oo siyaasadeed ayaa ku xeeran Ujeedada loo galiyey Liiska dambe ee codeynta iyo Saameynta Siyaasadeed oo lugteeda ah.