Dowladda Talyaaniga oo amniga doorashooyinka ka taageereysa Somalia

—Kadib kulan maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay xili uu ka hadlayay Carlos Capella oo ah Danjiraha Dalka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa waxuu shaaciyay arimo ay ka mid tahay in Dowladda Talyaaniga ay ka qeyb qaadan doonto sugid amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Mr. Carlos aya xusay in sidoo kale ay ku dadaali doonaan markasta sidii Dowladda Soomaaliya ay u garab istaagi la haayeen, si buu yiri ay u soo laabato amnigii iyo kala dambeyntii uu Dalka horey u la haa.

Danjiraha Dalka Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa ugu dambeyn waxuu cambeereeyay Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

Dhawaan ayee la filayaa in Dalka Soomaaliya ay ka dhacaan doorashooyinka kala duwan, iyadoona la arkayo dadaalo Dowladda Soomaliya ay wada islamarkaana ay ku sugeyso amaanka goobaha dooraashooyinka, iyadoo kala kaashaneysa Dowladdo dhowr ah