Amiir ka tirsan Boqortooyadda Sacuudiga oo lagu fuliyey Xukun Qisaas ah.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaasi ayaa lagu sheegay in shalay xukun dil ah lagu fuliyey Amiir Turki Bin Sacuud Al-kabiir, kadib, markii lagu helay inuu Nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jirey Caadil Bin Suleymaan Bin C/kariim Al-muxaymad ku dilay duleeda Caasimadda dalkaasi ee Riyaadh.

Xukunkaasi waxaa lagu ansixiyey Wareegto ka soo baxday Boqortooyadda Sacuudiga, kadib, markii ay Qoyska Marxuumka la dilay diideen inay qaataan Lacag Magdhow ama Diyo ahayd.

Ma kala cadda nooca uu ahaa Xukunka dilka ee lagu fuliyey Amiirkii wax dilay, inkastoo inta badan Sacuudiga xukunka dilka lagu fuliyo in Gacan-ku-dhiiglaha seef looga jaray Qoorta iyo in la toogtay.