Dowladda Shiinaha oo Hawlgalka AMISOM ugu deeqday Qalab

Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Francisco Caetano Madeira waxa uu maanta magaalladda Nairobi kaga qeyb galay Munaasabad ay Dowladda Shiinaha Dadka ku guddoonsiisay Ururka Midowga Afrika taageero Qalab.

Ambassador Francisco Caetano Madeira o oka hadlay Munaasabadaasi ayaa ka mahad celiyey Taageeradaasi oo uu sheegay in lagu soo beegay xillia ay AMISOM baahi weyn u qabtay Qalabkaasi.

Waxa uu tilmaamay inuu meel khatar ah marayo dagaalka ay AMISOM kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

“Qalabkan waxa u uxoojin doonaan shaqada ay AMISOM ka hayaan Somalia” ayuu yiri Ambassador Francisco Caetano Madeira.

Waxa uu intaasi ku daray in horumar laga sameeyey Deganaashaha Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Ambassador Francisco Caetano Madeira waxa uu Dowladda Shiinaha uga mahad celiyey Taageeradda joogtadda ee ay la garab taagan yihiin Hawlgalka AMISOM.

Munaasabadda uu Mas’uulkaasi kula wareegay Deeqda ay Dowladda Shiinaha ugu deeqday AMISOM waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiil ka socotay Dowladda Shiinaha iyo Madax ka tirsan Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Milliteriga ee Ciiddanka Kenya.