Aqriso Magacyada iyo Qabiilada ay kasoo jeedaan Shanta Xubnood ee maanta kamid noqotay Aqalka sare

Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ka dhacday doorashadii ugu horeesay ee lagu dooranayay Xubnaha kamid ka noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Galmudug ayaa kala dooranayay Musharixiin dhoor ah oo isku soo taagay in ay kamid noqdaan Xubnaha Aqalka sare, waxaana maamulka Galmudug qoondo ahaan Aqalka sare ku leedahay 8-xubnood.

Waxaa maanta Baarlamaanka Galmudug ay doorteen Shan Xubnood oo kamid noqonaya Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ,xubnahan oo ahaa kuwa saameyn badan ku leh siyaasada ayaa ka guuleestay Musharixiintii kale ay la tartamayeen.

Halkan ka Aqriso Magacyada iyo Qabiilada Shanta Xubnood ee maanta loo doortay in ay kamid noqdaan Aqalka sare.

1-Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) Habar Gidir -Saleemaan

2-Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) Habar Gidir -Sacad

3- Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhag-Dheer) Murusade -Sabti

4-Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) Duduble

5-Zam Zam Daahir Maxamuud Abgaal Waceyse