Xarakadda Alshabaab oo iska caabin kaga hor tegtay Daacish inay ka hawl galaan Somalia.

Sida ay baahisay Xarunta Wararka QM (UN News Center), Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Artrimaha Siyaasadda, Jeffrey Feltman ayaa hadalkaasi ku sheegay Warbixin uu xalay u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM oo kulan ku yeeshay Xarunta QM ee magaalladda New York.

Waxa uu tilmaamay in Cabsida sii kordhayso ee Kooxda Daacish ee Iraq iyo Syria khatar ku tahay Ammaanka iyo Nabadda Caalamka, iyadoo Hawlgalladda Caalamiga ee ka dhanka ah Daacish weli sii socdaan.

jeffrey-feltmanJeffrey Feltman waxa uu Warbixintiisa 3-aad ee uu u jeediyey xubnha Golaha Ammaanka ee QM waxa uu farta ku fiiqay inaysan Daacish kasbanin Taageeradda dadka ku nool Deegaanadda ay ka hawl galaan.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Artrimaha Siyaasadda, Jeffrey Feltman waxa uu carrabka ku dhuftay inay Unugyo Cusub oo Daacish ka soo muuqdeen gudaha Somalia.

“Xubno cusub oo Daacish ayaa ka soo if baxay gudaha Somalia, balse, waxay Alshabaab kala kulmeen Iska caabin xooggan” ayuu yiri Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Artrimaha Siyaasadda.

daacishHadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo uu Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo dhaawan Wareysi siiyey Wargeyska (NEWSWEEK) waxa uu  ka digay inay Kooxda Daacish noqon karto Khatarta mustaqbalka ee Somalia.

Tiro kooban oo Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ayaa ku sugan Buuraha Galgala ee Puntland, kuwaasi oo uu Madax u yahay Sheekh C/.qaadir Muumin oo isagu horey u deganaa dalka Britain.

Xarakadda Alshabaab waxay gacan bir ah kaga hor tageen xubnaha sheegtay inay ku biireen Kooxda Daacish, si ay uga hawl-galaan gudaha Somalia.

Xigasho: UN News Center