Maxkamad ku taalla Hindiya oo go’aan ka gaarayso Codsi-wadareed ay soo gudbiyeen Muwaadiniin Somali ah

Maxkamadda magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya ayaa waxaa shalay mar kale la soo taagay 119 qof oo Muwaadiniin Soomaali oo ku eedeysan in lagu soo qabtay Falal Burcad-baddeed.

Kiiskaasi ayaa gaaray heer gebagebo ah, iyadoo ay  inta badan dadkii markhaatiyaasha ka laabteen inay Eedeysanayaasha ku caddeeyaan Dembiyadaasi, balse, waxaa weli taagan dad Markhaatiyaal ka kala yimid Dalal Shisheeye.

Dacwad-oogayaasha Maxkamadda Mumbai waxay shalay diideen Codsi-wadareed ay soo buuxiyeen 119-ka Eedeysane ee Soomaalida ah, kuwaasi oo sheegay inaysan gelin Dembiga lagu soo oogay.

Dacwad-oogayaasha waxay horey u diiwaan geliyeen in ku-dhawaad 50 ka mid ah 119-ka  Eedeysanayaasha Soomaalida lagu xukumo Dil.

Dacwad-oogaha Khaaska ee Maxkamadda Mumbai ee dalka Hindiya Ranjeet Sangle ayaa sheegay in dib loo dhigayo Go’aan-ka-gaarista Codsi-wadareedka Eedeyssanayaasha ku doonayaan in la cafiyo.

Waxa uu intaasi ku daray inay dalbadeen in dib loo dhigo Go’aankaas iyo haddii la oggolaanayo ama la diidayo Codsiga Eedeysanayaasha ilaa Hadalkooda laga diiwaan gelinayo

Wargeyska The Indian Express ayaa qoray inay Xeer-beegtida Maxkamadda dhegeysan doonaan mid kasta oo ka  mid ah Eedeysanayaashaasi.

Maxkamadda ayaa la filayaa inay Isbuua soo soda go’aan ka gaaraan Kiiska

Xigasho: The Indian express.