Boqolaal Qaxootiga Soomaalida deggan Maraykanka oo noqday Bukaano la nool Cuddurka Qaaxadda.

276 Qaxooti Soomaali oo ku nool dalkaasi ayaa la xanuunsan Cuddurka Qaaxadda (TB) sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Dadkaasi ayaa la sheegay in cuddurkaasi la noolaayeen muddadii u dhexeysay sannadihii 2010-kii ilaa 2014-kii.

71 ka id ah waxa uu Cuddurkaasi haleelay muddo hal sanno gudaheeda, markii ay tageen Maraykanka, halka 225 kalena anuunkaasi qabatimeen Qaaxadda muddo 5 sanno kadib Tegitaankooda dalkaasi.

Tirada Kiisaska Qaaxadda ee laga soo weriyo Qaxootiga yimaada Gobalka Minnesota waa uu 10 jeer ka sarreeyaa Warbixinada kale ee 14-ka Gobal ee kale ee la dejiyey Qaxootiga ku nool Maraykanka.

Tirada Guud ee Qaxootiga Dib-u-dejinta ka helay Maraykanka ee uu la nool cuddurka Qaaxadda waay haatan gaareen 468 qof balse 36 Gobal oo ku yaalla Maraykanka ayaan weli soo gudbinin Warbixintooda ku aadan Tiradda Qaxootiga la nool Qaaxadda ama TB-da.

Si kastaba ha ahaatee, 29% ee 593-ka Qaxootiga shisheeyaha ku dhashay Cuddurka TB-da waxay ku nool yihiin Gobalka Minnesota, ama 161 ayaa ah Soomaalida Qaxootiga ee Dib-u-dejinta ka helay Maraykanka.

Xigasho: breitbart.com