Jid Tareen isku xiraya caasimadaha dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo la furay (Daawo Sawirro)

Qadkii Tareenkii ugu horreeyay ee koronto ku shaqeynaya qaaradda Afrika ayaa xariga laga jaray kaasoo isku xiri doona caasimadaha dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

Tareenkan oo ku ordi doona xawaare sareeya oo gaaraya 120km saacaddii ayaa waqtigii safarka labada caasimadood dhexdooda ka dhigaya wax ka yar 6 saacadood, halkii markii hore beryo loo socon jiray.

Gaadiidka sida allaabooyinka ganacsiga ayey ku qaadan jirtay muddo saddex maalmood ah dhulka u dhexeeya dekedda Djibouti ilaa caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Mashruucani oo ay ku baxday malaayiin dollar waxaa inta badan bixiyey Bangiga wax Dhoofinta iyo soo Dejinta ee waddanka Shiinaha oo dhinaca kale aad ugu lug leh mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha dalka Itoobiya.

Munaasabadda furitaanka qadkan tareen ayaa waxaa ka hadlay hoggaamiyeyaal ka kala socda labada dal ee Itoobiya iyo Djibouti waxayna sheegeen in jidka cusub ee tareenku uu sii xoojin doono xiriirka ganacsiga ee ka dhaxeeya.

Itoobiya waxay haatan wax kala soo degtaa kana dhoofsataa ku dhowaad 90% alaabooyinkeeda dekedda dalka Djibouti ka dib markii 25 sano ka hor uu dalkaasi ka go’ay wadanka Eritreya oo xiga dhinaca badda cas, taasoo sababtay in dalkaas ay ku dhacdo deked la’aan.










Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com