Gabar Somali oo u ololeysa in la joojiyo Gudniinka FGM oo la abaal mariyey.

Mid ka mid ah gabar ay dhaleen Qoysaska Soomaalida ee yimid dalka Britain ayaa lagu abaalmariyey Abaalmarinta Gold Star Awards 2016, kadib, markii ay qaaday Olole lagu joojinayo Gudniinka Gabdhaha ee nooca FGM.

Fahma Mohamed oo iyadoo 7 jir ah la geeyey Britain ayaa waxay dadaal u gashay sidii loo joojin lahaa in Gabdhaha ku nool Britain lagu sameeyo Fircooniga ee FGM.

Waxayna Jaamacadda Bristol University ka heshay Shahaadada Doctor of Laws.

Bilowgii sannadkii 2014-kii, waxay Fahma Mohamed ka codsaday Xoghayihii Waxbarashadda ee dalka Britain, Michael Gove si gabdhaha dhigta dhamaan Dugsiyadda looga badbaadiyo Gudniinka FGM.

In ka badan 250,000 oo qof ayaa saxiixay Codsigeeda muddo 3 isbuuc gudaheeda.

Dalka Britain waxaa ka mamnuuc ah Gudniinka FGM, inkastoo ay Waalidiinta qaarkooda ay carruurtooda u soo kaxeeyaan dalalka Masar, Somalia iyo Kenya si ay ugu sameeyaan Gudniinka FGM.