PUNTLAND OO GOOR DHOW KU DHAWAAQAYSA XUBNAHA AQALKA SARRE EE SOOMAALIYA

Waxaa laga dareemayaa magaalada Garowe dhaq dhaqaaqyo loogu diyaar garoobayo magacaabida xubnaha Puntland u matalaya Aqalka sare ee Barlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya,Kuwaas oo la filayo saacadaha soo socda musharaxiinta u tartamaysa inuu ku dhawaaqo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Wararka Puntland Post ka helayso Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in 24 saac ee u danbeeyay Madaxweyne gaas ku mashquulsanaa la tashiyo uu kala samaynayo magacaabida xubnaha aqalka sarre Madaxweyne kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland..

Inkastoo aan xog rasmiya laga bixin karin tirada Madaxweyne Gaas u magacaabi doono saacadaha soo socda ayaa haddana wararku sheegayaan inay gaareyso ilaa  in ka badan 30 musharax oo u tartamaysa   inay Gobolladda Puntland uga mid noqdaan aqalka sarre ,Madaama ay ku beegan tahay maalinta beri ah  xilliga ay ku egtahay inay kusoo gudbiyaan maamul goboleedyadu dadka uga mid noqonaya Aqalka sarre ee Baarlamanka Soomaaliya.

Guddiga Doorashada Soomaaliya.

Burhaan Cilmi Filiq oo Puntland u matalaya guddiga doorashada dadban ee Heer Federal ayaa u sheegey Puntland Post in laga sugayo dhamaan madaxda maamul Goboleedyada ilaa berito inay soo gudbiyaan liisaska xubnaha uga mid noqonaya Aqalka sarre ee Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Burhaan inay sabab u ahaayeen dib u dhacyadii horre sababo dhaqaale iyo markii ay suurto galiwayday mudadii Odoyaasha dhaqanka laga sugayay inay kusoo gudbiyaan xubnaha aqalka hoose , Balse iminka waxaas oo dhan laga soo gudbay islamarkaana dib u dhac danbe ku imaan doonin waqtiga la filayo inay dhacaan doorashooyinku.

Dhinaca kale waxaa laga dareemayaa magaalada Garowe olole iyo loolan adag oo xoog leh kaas oo qeyb ka noqonaya u diyaar garowga doorashada labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, Waxaana xusid mudan inuu ka mid yahay ololahaasi fariimo hay,adduhu ku fahamsiinayaan bulshada iyo siyaasiinta qaabka ay u qabsoomeyso Doorashadu.

Daawo Fariin ku saabsan doorashooyinka

Amniga Garowe

Waxaa shalay galinkii danbe ka bilowday magaalada Garowe oo ah goobta lagu qabanayo doorashooyinka labada aqal ee Puntland u matalaya baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya howlgalo lagu sugayo amnigeeda.

Taliyaha ciidanka guud ee Puntland General Siciid Maxamed Xirsi oo maanta warfidiyeenka kula hadlay Garowe ayaa sheegay inuu howl-galka cusub daba joogo howlihii horey amniga loogu sugi jiray,Islamarkaana u diyaar garoobayso Puntland inay si nabadgalyo ah ku qabsoomaan doorashooyinka ka dhacaya Garowe.

Dhagayso General Siciid Dheere.

Audio Player

Jadwalka Doorashada.

Sida uu dhigayo jadwalka guddiga doorashadda Federaalka, waxaa madaxda Dowladda goboleedyadda laga doonayaa inay soo gudbiyaan xubnaha aqalka Sare ugu danbeyn 5ta Bishan Octoobar 2016. waxaa kaloo  guddigu ay sheegeen in ugu dambayn 10 bisha Octoobar 2016, lasoo gudbiyo liiska magacyada ergada doorashooyinka ee Golaha Shacabka ama Aqalka Hoose.

23 Octoobar ilaa 10ka Nofeember ee  soo socota ayaa la filayaa inay dhacdo Doorashadda lagu dooranayo Xubnaha aqalka Hoose ee Barlamaanka.

Sidoo kale doorashadda Afhayeenadda labada Aqal ayaa dhici doontaa 23 Bishan Nofeebar 2016ka, iyadoo doorashadda Madaxweynahahana ay qabsoomi doonto 30ka bisha Nofeember  ee 2016ka.

Daawo xilliga doorashada guud dhacayso.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST