DEG DEG: Rasaas xoogan oo lagu furay Ergada ka qeyb galeysa Shirka ka socda Magaalada Jowhar

Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay rasaas ku fureen qaar ka mid ah Ergada ka qeyb galeysay Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Rasaastan lagu huwiyay Ergada ayaa ka dambeysay kadib markii Ergada oo ka soo baxayay Hoolka Shirarka ay diideen in ay dhigeen (ID-cards) aydhiikaarada lagu gallo Shirka ka socoda Magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay rasaastaasi, balse weli lama cayimin.

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe ayaa waxaa weli ka socda Shir Maamul loogu dhisayo Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe.