Turkigu wuxuu weli sii wadaa ku-xadgudbida Midnimada Soomaaliya!!! Wuxuu Albaabo u furayaa Cadawga Soomaaliya!!! Baasaaboorka Somaliland waxaan u aqoonsanay ID!!!

Turkey Flag1Turkigu wuxuu weli sii wadaa ku-xadgudbida Midnimada Soomaaliya!!! Wuxuu Albaabo u furayaa Cadawga Soomaaliya!!! Baasaaboorka Somaliland waxaan u aqoonsanay ID!!! (Daawo Video).

Ka dib markii dhowaan si kediso iyo la yaab badan, uu Qunsulka u fadhiya Turkiga Hargaysa uu ugu dhawaaqay, in ay aqoonsadeen waxa ugu yeedhay Baasaaboorka Somaliland!! Ka dibna markii ay dareemeen, sida uu shacabka Soomaaliyeed uga xun yahay, in dowlada Turkiga, oo ah dowlad Islaam ah, oo walaal ah, ay si toos ah ugu

Xadgudbayso midnimada dalkooda, ayuu Safiirka dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya, wuxuu shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay, ka sheegay waxa uu ugu yeedhay Baasaaboorka Somaliland!!In ay u aqoonsadeen Taysare ahaan ama ID!!! Hadalkan Safiirku waxba kama duwana hadalkii uu hore  Qunsulkoodu uga sheegay

Hargaysa, bal se Safiirku wuxuu isku deyay, in uu qaab khiyaana ah, u qurxiyo hadalkii qayaxnaa ama qaawanaa, ee uu Qunsulkoodu hore  uga sheegay Hargaysa! Safiirku isaga oo sii faah faahinaaya hadalkiisa, wuxuu yidhi Baasaaboorka Somaliland kuma dhufanayno Fiisaha, ee waxaan ku dhufanaynaa waraaqa madhan, oo loogu talagalay!

Macnuhu waxa weeye qofka sita Baasaaboorkaa aan sharciga ahayn, ayaanu ugu dhufanaynaa Fiisaha waraaqa madhan! Markaa asalku waa Baasaaboorkaa aan sharciga ahayn! Kaas ayayna aqoonsantahay dowlada Turkigu!! Waxa xusid mudan, in aanay jirin ilaa hada, cid sidata Baasaaboorkaa sharci darada ah, ee ay Turkigu ku andacoonayaan,

BAL se ay arintanu horseedi doontaa, in la arko dhowaan qayb ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, oo aduunka ku maraaya Baasaaboorkaa sharci darada ah, siiba kuwa ka soo jeeda maamul Goboleedka Somaliland, oo xataa dhulka ay tahay in uu ka taliyo lagu muransan yahay!! Sidaana ay Soomaaliya ku kala dhaqaaqdo, oo ku kala qaybsanto!!!

Turkigu Qadiyadeena indha la’aan ayuu la soo galay ama u maaraynayaa! Cid toosinaysa, oo uga digaysa khatarta uu inoo horseedayona ma jirto! Waayo dalkeenu dowlad ma laha, bal waxa xukumka haystaa waa casaabado, aan Qarnimo iyo midnimo toona dan ka lahayn! Oo u jooga meesha in ay jeebabka buuxsadaan, aduunkana

Dalxiisaan, xukunkana ku sii negaadaan weligoodba! Dowlada Turkig oo ah dowlad Muslim ah oo walaal ah, waxaa ah wax aad iyo aad looga xumaado, in ay Qaranimadii iyo midnimadii Soomaaliya dhaafsatay, Haya’ad yar oo waxbarasho, oo ay Mucaaradka Turkigu ku leeyihiin Hargaysa, in ay Somaliland Hargaysa ka erido!! Waxayna

Albaabada u fureen in dowlada Shisheeye ah, oo cadaw ku ah midnimada Soomaaliya, awelbana Ula Booca inoogu tukubayay, in ay ka faa’iidaystaan, oo ay midnimadeena ku kala dhantaalaan fidnadaa ay dowlada Turkigu inagu soo dhex tuurtay!!! Walaalaha moodaaya in ay sidaas Somaliland ku soo dhowaanayso, oo lagu soo xera gelin karona,

Nafahooda ayay been u sheegeen!!! Sidaas darteed Soomaaliya Ceelna uma qodna, Cidina uma maqna, inta jecel dalkooda iyo midnimada Ummaddooda, inta ah Soomaalida Xalaasha ah, ee damiirka wanaagsan iyo dadnimada u saaxiibka ah, aan u kacno dalkeena oo kaga difaacno Af iyo Adinba, Shirqoolada Cadawga, dowlada Turkigana aan Bireega

U qabano, ama Taako joojisa u dhigno, hadba sidii ku haboon, xumaan iyo samaanba, si ay u joojiyaan indha la’aanta ay Qadiyadeena ku maaraynayaan!!! Yaynaan cidna uga haybaysan, oo ugu munaafaqadayn midnimada, qaranimada iyo badbaadada Ummadeena iyo dalkeena.

 

Halkan ka Daawo Video arintan la xidhiidha

 

Wabillaahi atowfiiq

Ciise Maxamuud Aadam

almutawaadic@yahoo.com