Saacadda Rasmiga ah ee ay Imaanayaan Xulka Kubadda Cagta Puntland.

5-8-150x150

Madaxda wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo boqolaal kamid ah shacabka kunool magaalada Garoowe ayaa kusii qulqulaya garoonka diyaaradaha ee Kanooko si ay usoo dhoweeyaan xulka kubadda cagta Puntland ee kuguulaystay koobkii maamul goboleedyada.

Agaasimaha dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland Axmed Cabdulle Tigaana ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyey in maanta duhurkii ay kusoo beegan yihiin magaalada Garoowe.

Deeqo Jaamac oo ah agaasimaha waaxda dhalinyarada dowladda Puntland oo xubin ka ah gudiga soodhoweynta xulka kuhowlan ayaa Sanaagpost u sheegtay in xulku soo baxay 10:30 barqa nimo ayna hawada kusoo jirayaan 2 saacadood, taasi oo kadhigan in ay 12:30 PM soo caga dhiganayaan magaalada Garoowe.