DHEGEYSO-Xanuunka Kaduudiyaha Oo Kusii Fidaya Magaalada Galkacyo.

Xanuunka loo yaqaan Kaduudiyaha oo markii labaad si safmar ah loogu arkay Soomaaliya ayaa waxa uu bilihii ugu dambeeyey farakulul kuhaya magaalada Galkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Agaasimaha guud ee Cisbitalka magaalada Galkacyo Dr Maxamed Xuseen Aadan oo waraysi siinayey Idaacadda Daljir ayaa waxa uu sheegay in xanuunku uu si safmar ah u saameeyey guud ahaan shacabka kunool gobolka Mudug.

DHEGEYSO

Xanuunkaani ayaa agaasimaha guud ee cisbitalka gobolka Mudug wuxuu sheegay inuu magaalada dhibaato culus kuhayo labadii bilood ee ugu dambaysay ayna sabato ama laga qaado qaniinyada Kaneecada.