DHEGEYSO-Taliska Booliska Gobolka Mudug Oo Awaamiir Soo Saaray Baaqna U Diray Shacabka.

Taliska guud ee qaybta booliska gobolka Mudug oo lahadlay warbaahinta magaalada Galkacyo ayaa sheegay in maamulka gobolka Mudug ay magaalada Gaalkacyo ay ka mamnuuceen gawaarida miraayadaha madow si loo xaqiijiyo amniga guud gobolka Mudug.

Gaashaanle sare Cwaaxid Cabdulle Warsame ayaa ayaa waxa uu sheegay in howlgalada lagula dagaalamayo ammaan xumida magaalada Galkacyo ay qayb ka noqon doonaan momnoocida bacaha madow, wuxuuna ugu baaqay shacabka gobolka Mudug inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

DHEGEYSO

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Mudug, Gaashaanle Sare Cabdulwaaxid Cabdulle Warsame ayaa sheegay in amniga magaalada Gaalkacyo looga baahanyahay in ay ka wadashaqeeyaan ciidanka ammaanka iyo sidoo kale shacabka kunool magaalada Gaalkacyo.