Xukuumadda Soomaaliya Oo Soobandhigtay Waxqabadkeedii Todobaadkii Dhammaaday.

Mogadishu, 30 July 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Ciidanka Danab oo seddex Al-Shabaab ku diley Gobolka Sh/Hoose, Dowladda oo Daahfurtay Ololaha Talaalka Cudurada Sambabka ee Ariga, Ciidanka oo la wareegay Degmada Aw-Dheegle, Hay’adaha Amniga oo Gaari Walxaha Qarxa iyo hub gacanta ku soo dhigay, Wasiirka Gaashaandhiga oo dhiirigeliyey ciidamada ku sugan Caabudwaaq, Cayaartoyda Puntland oo ku guuleystay koobka Dowlad Goboleedyada, Safiirka Somalia ee Pakistan oo waraaqihii Aqoonsiga laga guddoomay, Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo oo la doortay, iyo Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Beer-Xaano.

Ciidanka Danab oo seddex Al-Shabaab ku diley Gobolka Sh/Hoose

Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay wehliyaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa waxyeelo xooggan ugu geystey maliishiyaadka argagixisada Al-Shabaab degaanka Aw-Dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidammada huwanta ayaa cagta mariyay laba xero oo Al Shabaab ay halkaasi ku lahayd, waxaana isla goobtaasi lagu dilay saddex ka mid ah argagixisada, iyadoo laba gaari oo kuwa dagaalka ahna laga burburiyay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an inay sii socdaan hawlgalada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee hadafkoodu yahay in Al Shabaab laga ciribtiro dalka.

Dowladda oo Daahfurtay Ololaha Talaalka Cudurada Sambabka ee Ariga

Xaflad lagu qabtay Muqdisho 24kii July 2016 ayaa waxaa lagu daah-furayay Ololaha Talaalka cudurada sambabka ee ku dhaca Ariga oo ay si rasmi ah u daah-furtay Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adda cunada iyo beeraha Qaramada Midoobay u qaabilsan ee FAO iyo ururada ka shaqeeya Xanaannada Xoolaha, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasiirka ganacsiga, Guddiga Xanaannada Xoolaha, beeraha iyo horumarinta reer miyiga ee Baarlamaanka Soomaaliya, urarRada Xanaanada Xoolaha ee dalka iyo dhaqaatiir. Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ee dowlada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilaabay talaalka sambabka ariga, waxaana ololahan oo dalka laga bilaabay la qabtaa sanadkiiba mar ama laba mar.

Ciidanka oo la wareegay Degmada Aw-Dheegle

Ciidanka Kummaandooska Soomaaliya ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab kala wareegay Degmada Aw-dheegle ee gobalka Shabeellaha Hoose iyo deegaano muhiim ah oo ay Al-shabaab Saldhigyo ku lahaayeen. Ciidamada Kummaandooska ayaa 26kii July 2016 howlgal qorsheysan ka billaabay deegaanka Bariire oo hoosyimaada degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan ayaa ahaa mid qorsheysn, kooxda Al-Shabaabna ay kala wareegayaan deegaanada ay kaga suganyihiin gobalka.

Hay’adaha Amniga oo Gaari Walxaha Qarxa iyo hub gacanta ku soo dhigay

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ayaa habeenkii 27ka July 2016 Howlgal ka sameeyay Suuqa Bakaaraha, halkaas oo ay ka soo qabteen gaari walxaha qarxa iyo hub ay saaranyihiin. Gaariga iyo Hubka ayaa laga soo qabtay Hotel lagu Magacaabo Al-Cimraan oo ku yaala Suuqa Bakaaraha. Saraakiisha Hay’adda NISA ayaa sheegay in sidoo kale la soo qabqabtay dadkii lahaa gaariga iyo kuwo kale oo la tuhumay. Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ay heleen xogta ku saabsan hubka iyo gaariga walxaha qarxa ay saaranyihiin kadibna baaris ay halkaasi ka sammeeyeen, gacantana lagu soo dhigay.

Wasiirka Gaashaandhiga oo dhiirigeliyey ciidamada ku sugan Caabudwaaq

Wasiirka Wasaarada Difaaca Soomaaliya mudane C/qaadir Sheakh Cali Diini oo maalmahanba ku sugnaa degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa kormeeray ciidamo katirsan kuwa xooga dalka, oo uu tababar uga socdo xeryo ciidan oo ku yaala degmadaasi. Wasiirka ayaa halkaasi kula hadlay ciidamadaasi kamidka ah xoogga dalka, ee uu u soconayo tababarka, isagoo u jeediyey hadal u badnaa dardaaran iyo dhiirigelin. Mudane C/qaadir Sheakh Cali Diini waxa uu ku bogaadiyey ciidankaasi in ay yihiin kuwa u taagan difaaca iyo ilaalinta dadka iyo dalka, islamarkaana looga baahan yahay in ay si wanaagsan u gutaan waajibkooda.

Cayaartoyda Puntland oo ku guuleystay koobka Dowlad Goboleedyada

Cayaartooyda ku cayaareysay dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo 26kii July 2016 kulan xiiso leh kuwada yeeshay garoonka kubadda cagta ee Benadir, ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale. Cayaartooyda labada dhinac ayaa goobta ku soo bandhigay cayaar aad loo jecleystay, waxaana ay cayaarta ku soo idlaatay 1 iyo 1. Waxaana cayaarta gool ku laad 3-5 ku adkaatay cayaartooyda Puntland. Munaabasad kooban oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Banadir Stadium ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu koobka ku guddoonsiiyay cayaartooyda Puntland, iyadoo intaas kadib ay garoonka is qabsatay sawaxan iyo farxad ay muujinayeen taageerayasha cayaartooyda Puntland.

Safiirka Somalia ee Pakistan oo waraaqihii Aqoonsiga laga guddoomay

Madaxweynaha Pakistan, Maamnun Xuseen ayaa warqadihii aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada Cusub ee Somalia u fariisan doonta Dalkaas, Khadiija Maxamed Al-makhsuumi oo horay u ahayd danjiraha Somalia ee dalka Ciraaq. Danjiraha Soomaaliya ee Pakistan ayaa Qaabilaaddeeda si wanaagsan loo maamuusay, iyadoo loo garaacay Astaanta Qaran ee Somalia, isla markaana cutubyo ciidanka dalka Pakistan ka tirsan ka qaadatay salaan-sharaf. Dalka Pakistan, waxaa wax-ka-barta kumannaan arday Soomaali ah oo halkaas Jaamacado kala duwan ka dhigta waana waddan sidoo kale Soomaaliya uu xariir dhanka ganacsiga ah kala dhexeeyo.

Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo oo la doortay

Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland, ayaa 23kii July 2016 doortay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo oo ay u tartamayeen Afar Musharaxiin. Maxamuud Yaasiin Axmed, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo oo ku soo baxay Wareegii Saddexaad ee Doorashada, kaddib markii uu ka adkaaday Musharaxiintii la tartameysay. Sidoo kale Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaa doortay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo oo loo doortay Farxaan Cabdi Gaafaa oo ka adkaaday Musharax kale oo la tartamaayay. Goobta Doorashada ay ka dhaceysay ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, iyo xubno ka mid ah Wasiirada Puntland.

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Beer-Xaano

Ciidanka Ammaanka Dowlad goboleedka Jubbaland oo taageero ka helayo kuwa AMISOM ayaa 22kii July 2016 kala wareegay Al-Shabaab deegaanka Beer-Xaano oo u dhaw magaalada Kismayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose. Bayaan ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Beer-Xaano ay maleeshiyaadka Shabaab u ahayd meel ay ku kaydsadaan hubka, isla markaana u eheed gabaad. Qabashada deegaanka ka dib, saraakiisha hogaaminaysay hawl-galka, waxaa ay kullan la qaateen odayaasha dhaqanka iyo bulshada ku nool halkaasi, waxaana ay u xaqiijiyeen in ay ka shaqeeynayaa nabbadda iyo bedqabkooda.