DHEGEYSO-Dowladda Soomaaliya Oo Markab Gargaar ah Kala Wareegtey Masar.

 

Markabkan sida shixnada  gargaar islamarkaana  dadka Masar iyo dowladooda ay ugu tala galeen shacabka  Soomaaliyeed ayaa  shalay kusoo xirtay dekadda weyn ee Magaaladda Muqdisho waxaana  saaran Todoba Kunteenar oo ka kooban 163-tan oo isugu jira noocyada kala duwan ee raashiinka.

Wasiiru dowladda arrimaha gudaha Cabdirashiid Maxamed Xidig oo gargaarkan  kala wareegay safiirka Dowladda Masar ee Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowladda Masar taageerada mar walba la garab taagantahay dadka Soomaaliyeed.

DHEGEYSO