MASAR OO GARGAAR MILATARI UGU DEEQDAY SOOMAALIYA

Dowladda Masar ayaa ugu deeqday Dowladda Federaalka  Soomaaliya gargaar isugu jira Gaadiid iyo Saanad Ciidan oo loogu talagalay in ay ku howlgalaan Ciidanka Kummaandooska Soomaaliya ee Danab.

Danjiraha dowladda Masar u fidhiya Soomaaliya Waliid Maxamed Ismaaciil ayaa munaasabadii lagu wareejinayay deeqdan  ka sheegay in saanadan Ciidan ay isugu jirto Gaadiid Ciidan, Gaadiidka Gurmadka degdegga ah, iyo Qoryo loogu talagalay in ay ku howlgalaan ciidanka Kummaandooska Soomaaliya.

“waxaanu taageereynaa walaalaheena Soomaaliyeed, Hubkaan iyo Gaadiidka Ciidanka oo ay ku jiraan kuwa gurmadka deg degga ah waxaan maanta ku wareejineynaa dowladda Soomaaliya, si gaar ah waxaan uga qeybqaadaneynaa howlaha dib u dhishka ciidamada Soomaaliya”ayuu yiri Danjire Waliid.

Wasiirka Difaaca Dowlad Federaalka Soomaaliya G. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar isagoo xusay in Dowladda iyo Shacabka Masar ay soomaaliya ka caawiyeen dhinacayada Waxbarashada, Caafimaadka iyo tababarka Ciidamada.

dawladda Masar ayaa  gsheegaty in gargaarkan milateri inaanu noqon doonin kii ugu danbeeyay balse ay jiri doonaan kaalmooyin kale oo dhinaca ciidanka ah.

1

6

5

4

3