BAARLAMAANKA PUNTLAND OO DIIDAY IN WAKHTI DHEERAADA LOOGU DARO GUDIGA MAXKAMADA SARE

-Dhawaan ayuu Madaweynaha Dawlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waraaq uu u diray Baarlamaanka, mudo 4 bilooda ugu daray Gudiga Maxkmada sare ee Puntland oo uu ka dhamaaday mudadii ay shaqada joogi lahaayeen.

Hadaba Baarlamaan Puntland oo kala fadhigooda 37-aad uga socdo Magaalada Garowe ayaa cod u qaaday muda kororsiga uu Madaxweyne Gaas u sameeyey gudiga Maxkamada sare, waxayna Baarlamaanku cod aqlabiyad leh ku diideen Tigreeda uu Madaweynuhu wakhtiga 4-ta bilood ah ugu kordhiyey Maxkamada Sare.

Madaxweyne Gaas ayaa xaq u leh inuu mar kale Baarlmaanka ku celiyo inay cod u qaadaan tigreediisa, isagoo sababo muuqda kusoo lifaaqaya  sida uu qabo Dastuurka Puntland.

Gudiga Maxkamada sare ayaa ka kooban 5 xubnood oo kala ah Gudoomiyaha, ku-xigeenkiisa iyo sadex Garsoore, lamana oga xiliga uu sida rasmiga usoo magcaabi doono Madaxweynuhu, maadama ay Baarlamaanku diideen inay xubnihii hore shaqada sii wadaan.