AGAASIMAHA LAANTA SOCDAALKA PUNTLAND OO SHEEGAY INAY WAX BADAN KA BADELEEN SHAQADA HAY’ADDA

Agaasimaha cusub ee laanta socdaalka Puntland

Agaasimaha Cusub ee laanta socdaalka Puntland Haashim Axmed Cabbaas ayaa ka hadlay cabashooyin waayadii danbaba laga soo sheegaayey shaqada laanta socdaalka iyo waxa uu kusoo kordhiyey mudadii uu xilka hayey, wuxuuna sheegay inay wax badan iska badeleen mudadii koobnayd ee uu shaqada joogey.

Warbaahinta Puntland ayaa dhawaan baahisay Dadweyne cabashooyin ka muujinaaya hab dhaqanka Laanta socdaalka, kuwaas oo sheegay inay siyaabo aan wanaagsanayn loola dhaqmo si ay u helaan Fiisayaasha Dalalka ay u socdaan, sida Dalka Itoobiya.

Agaasimaha ayaa qiray inay dhibaato xoogan ka jirtay fududaynta fiisayaasha Dadka u socda Dalka Itoobiya, balse iminka uu si fudud qof walba oo sharuudaha soo buuxiya ku heli doono fiisaha Dalka Itoobiya, loona kala horaynsiin doono Dadweynaha hadba sida ay u kala horeeyaan.

Cabbaas ayaa u mahadceliyey Safaarada Dalka Itoobiya ee Magaalada Garowe oo uu sheegay inay kala dhaxayso wada shaqayn aad u saraysa.

Hadalka Agaasimaha cusub ee Laanta socdaalka ayaa kusoo aaday xili waayadii danbaba ay iska soo daba dhacaysay cabashada la xiriirta hab dhaqanka Laanta socdaalka, iyadoo Dadweynuhuna si weyn usoo dhaweeyeen isbadelka cusub ee ka muuqday shaqada ay bulshada u hayso Laanta Socdaalka Puntland.

Agaasimaha cusub ee laanta socdaalka Puntland