MUSHARAX SICIID CABDULLAAHI DANI OO SI BALLAARAN BOSASO LAGU SOO DHAWEEYAY

Musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016 Dr. Siciid Cabdullaahi  Deni ayaa maalintii Isniinta 18 Bishan july 2016 ah ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso, waxaana soo dhaweyntiisa ka soo qayb-qaatey dadweyne aad u faro badan.

Soo dhaweyntii Musharaxa waxaa ka qayb qaatey dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan, sida maamulka gobolka iyo kan degmada,  ardeyda,  ururada dhalinyarada, ururada haweenka, ganacsatada iyo aqoonyahanka bulshada.

Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gacan qaadey in badan oo ka mid ah dadkii soo dhaweeyey, kadibna waxa uu saxaafadda kula hadley qaybta martida gaarka ah ee Garoonka diyaaradaha Bosaso (V.I.P).

Duqa magaalada Bosaso Eng. Yaasiin Mire Maxamuud  ayaa  ugu horeyn ka hadley munaasabaddii lagu soo dhaweeyey Musharaxa, waxaana uu sheegay in Dr. Siciid Cabdullaahi uu dadka uga duwan yahay maadaama uu ka mid ahaa asaasayaasii waxabarashada Bosaso kadib burburkii Dowladdii Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu gacan weyn ka geystey dhanka hormarinta ganacsiga iyo shaqo abuurista, sidaas darteed maanta loogu sameeyey soo dhaweeyn diiran oo aan loo  kala harin.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Bari Axmed Cabdullaahi Cirro ayaa isaga oo ku hadlaya magaca gobolka bari soo dhaweeyey Musharaxa  waxaana uu sheegay in Dr. Siciid yahay qof wax u qabtey bulshadiisa, taas oo ah mid lagu tijaabiyey, qofkii waxqaadkiisa la arkey ayaana bulshada hoggaamin kara ayuu yiri.

Musharax Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo mikrofoonka lagu soo dhaweeyey ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay in maanta lagsu soo dhaweeyo Bosaso isaga oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Bosaso waxay ii leedahay muhimad gaar ah waant ii maalin farxadeed, Bosaso waa meeshii muddadii dhalinyaranimadeyda aan ku qaatey wax badana aan ka qabtey, waxay astaan u tahay Qaranimada Soomaaliya in aan maanta joogno Bosaso oo ku taala cirifka Waqooyi ee xeebaha Soomaaliya…” ayuu yiri Dr. Siciid.
Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa fariin u diray dhaman bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan geeddi socodka Doorashooyinka Soomaaliya, lana soo xulo Xildhibaano tayo leh.

Waxaan idinka codsanayaa in loo istaago ka shaqeynta qaranimada Soomaaliya, anigana waxaan idinka dalban in aad igu kaalmeysaan sidii aan bulshada Soomaaliyeed ugu shaqeyn lahaa, waxaana aaminsanahay in aan ku habboonahay in aan qabto hoggaanka Soomaaliya” ayuu yiri.
Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Ibrahim (Xarago) ayaa ku hadley magaca dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana nabadoonku  soo dhaweeyey Musaraxa waxaana uu baaq u diray ummadda Soomaaliyeed in ay soo xulaan xildhibaano xilkas ah oo keeni kara hoggaamiye dalka ku habboon  sida Dr. Siciid oo kale.

Cumar Siciid Kaashawiito oo ku hadley magaca dhalinyarada  ayaa soo dhaweeyey musharaxa, waxana uu sheegay in dhalinyaradu abaal u hayaan Siciid maadaama uu yahay aabihii waxbarashada oo uu ahaa kuwii ugu horeeyey ee wax ka qabta waxbarashada Soomaaliya.

Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka xilku ka dhamanaayo, waxaana uu horey u soo qondey Wasiirkii Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya. Dr. Siciid ayaa bishii Abril 2016 uga dhawaaqey musharaxnimadiisa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana uu safar ku tegey dalalka Imaraadka Carabta iso Denmark oo uu ka helaas casumaad. Musharaxa ayaa lagu wadaa in uu maro magaalooyin badan oo ka tirsan Soomaaliya.

Musharax Dani

5I2A1709

5I2A1711

Musharax_Deni_Soodhaweyn_Bosaso (13)

Musharax_Deni_Soodhaweyn_Bosaso (13)

Musharax_Deni_Soodhaweyn_Bosaso (8)

Musharax_Deni_Soodhaweyn_Bosaso (7)

5I2A1792

5I2A1788

MOHAMED FAARAH BAARUUD