FAAH-FAAHIN: DAGAALKII KA DHACAY DEGAANKA BOODA-CADDE EE GOBALKA SANAAG

Iyadoo maanta uu dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay degaanka Booda-cadde oo qiyaastii 40KM kaga beegan dhanka galbeed degmada Dhahar ee xarunta Gobalka Haylaan una dhaxaysa degmooyinka Xingalool iyo Dhahar ayaa waxaa kasoo baxaaya warar dheeraada.

Dagaalkan oo qarxay subaxnimadii hore Isniinta ayaa bilowday markii ay isku soo dhawaadeen Ciidamada Puntland iyo Ciidamo ka yimi dhanka Somaliland oo doonaayey inay degaanadaas ka hirgeliyaan diwaangelinta cod bixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland ee dhici doonta sanada dabe.

Dagaalka ayaa socday saacado xiriira waxaana la isku adeegsanaayey hubka noocyadiisa kala duwan, goob joogayaal ku sugan degmada xingalool ayaa noo sheegay inay maqlaayeen dhawaaqa hubka la isku adeegsanaayo.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka

Warar madax banaan oo aan ka helay degmada Carmo ee Gobalka Bari ayaa sheegaaya in Isbitaal halkaa ku yaal lasoo gaarsiiyey illaa 4 kamida ciidamada Puntland oo kusoo dhaawacmay dagaalka iyo hal askari oo ku geeriyooday dagaalkaas galabtana lagu aasay Carmo, sidoo kale Taliye ku-xigeenka Booliska Puntland Korneyl Jaamac Saxardiid oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan Jiida dagaalka ayaa xaqiijiyey dhimashada hal askari oo katirsan Ciidanka Puntland iyo dhaawaca mid kale.

Ma jirto war madax banaan oo aan ka helay dhanka Somaliland, hase ahaate Wasiirka gaashandhiga Somalialnd Axmed Xaaji Cumar Cadami oo ku sugan Gobalka Sanaag ayaa isna warbaahinta u xaqiijiyey inuu dhankooda ka geeriyooday hal askari, dhaawacna uu jiro, wuxuuna Puntland ku eedeyey inay duulaanka soo qaaday.

Xildhibaanka Katirsan Baarlamaanka Puntland oo gacanta u galay Somaliland

Xildhibaan Maxamed Can-jeex oo gacanta u galay Somaliland
Xildhibaan Maxamed Can-jeex oo gacanta u galay Somaliland
Xildhibaan Maxamed Faarax Aadan(Can-jeex) oo katirsan Baarlamaanka Puntland, horayna usoo noqday Wasiir ku-xigeenka Cadaalada iyo illaa 5 kamida ilaaladiisa ayaa gacanta u galay Ciidamada Somaliland xili uu safar u ahaa Magaalada Dhahar, balse Ciidanka Somaliland ayaa jidka u galay , isla markaana afduubtay isaga,ilaaladiisi iyo gaarigiisiba, Puntland iyo Somaliland labaduba waxay xaqiijiyeen in xildhibaankaasi gacanta ugu jiro Ciidamada Somaliland.

Xaalada goobihii lagu dagaalamay

Xaalada goobihii lagu dagaalamay maanta ayaa aad u kacsan, iyadoo labadda ciidan ay aad iskugu dhaw yihiin waxaana labada dhanba soo gaaraaya gurmadyo aad u xoogan, Puntland ayaa degaanadaas u daad guraysay ciidamo  xoogan, waxaana degaanka dagaalku ka dhacay ee Booda-cadde gaaray Masuuliyiin katirsan Dawlada Puntland uuna kamid yahay Wasiirka Arimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo Wasiirka xanaanada Xoolaha Cabdul Jamaal Cismaan, Dadka degaanka ayaa ka cabsi qaba inuu dagaalkii mar kale ka qarxo halkaas, iyadoo labada dhanba hawada isku marinayaan hadalo dhiilo colaadeed ka muuqato.

Diwaangelintii Somaliland

Waxaa gabi ahaanba istaagay diwaangelinta Doorashooyinka oo ay Somaliland kawaday degaano katirsan Gobalada Sanaag iyo Haylaan, walow ay degaanada qaar weli ku sugan yihiin masuuliyiin sare oo katirsan Somaliland balse kasoo jeeda degaanadaas, waxaa xusid mudan inay colaada kasoo cusboonatay degaanada lagu diriraayo ay ka dhalatay diwaangelinta ay Somaliland sheegtay inay ka samaynayso Gobalada Sanaag iyo Haylaan, ayna gashaanka u daruurtay, iyadoo Puntland ay Somaliland ku eedaysay inay wado xad gudub iyo daandaansi.

Isku soo wada duubo ma muuqato wax dhex-dhexaadin ah iyo dadaalo lagu daminaayo collaadan kasoo cusboonatay Gobalada Sanaag iyo Haylaan.