DHEGEYSO-Kumanaan Arday Soomaaliyeed ah Oo Waxbarashadii Ku Waay Qalalaasihii Turkiga.

In kabadan 2000 oo arday Soomaaliyeed ah ayaa lasoo sheegayaa inay waayeen waxbarashadoodii wadanka Turkiga, kadib markii xukuumadda Soomaaliya shaqada ka joojisey shirkadda Nile oo mas’uuliyiinteeda lagu eedeeyey inay ku luglahaayeen afgembigii fashilmay dhowaan.

Ardaydaas ayaa Turkiga waxaa geeyey oo waxbarashadooda qaabilsanaa Hey’adda Nile oo lasheegay in Masuuliyiinta iska leh ku lug lahaayeen Afganbigii ladoonayey in Xukunka looga tuuro dowladda hadda talada dalkaasi haysa.

Gudoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga Maxamed Cabdullaahi Xaashi, ayaa xaqiijiyey in inkabadan 2,000 oo arday Soomaaliyeed ah lagu amray inay guryihii iyo goobihii waxbarashada ka huleelaan ayna lawareegtey dowladda dalkaasi.

Maxamed Cabdullaahi, ayaa sheegay in hadda ardaydu ay ku maqnaayeen fasax kadibna aysan soo laaban maadaama shirkaddii maamulaysay shaqadii laga joojiyey, isagoona xusay in safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi aysan wax tallaabo ah wali qaadin.

DHEGEYSO:-

MOHAMED FAARAH BAARUUD

WWW.PUNTLANDER.COM