Diiwaan gelinta Somaliland ee Gobolada SSC Xog iyo Fariin (Daawo Video).

Banaanbax LaascaanoodDiiwaan gelinta Somaliland ee Gobolada SSC Xog iyo Fariin (Daawo Video).
Diiwaan gelinta Somaliland ee deegaanada SSC waa iyaga oo gacmahooda isku gowracay  dadka deegaanadaasu!!!

Waxaan aad iyo aad ugaga digaynaa shacabka SSC, in aanay ka qayb qaadan diiwaan gelinta ka socota Somaliland, ogsoonaada in Beelaha Isaaq in badan oo ka mid ah ay iska diideen Diiwaan gelintaa, iyaga oo Diintooda Ilaashanaaya, maadaama ay Diiwaan gelintaasu khilaafsantahay Shareecadeena Islaamka, idinka taa waxaa iidiin sii dheer iyada oo la damacsan

 

Yahay in laydinku dhaxal wareejiyo, oo dhulkiina lagu sheegto, Somaliland waxay dhibi ka haysataa xuquuqdii Gobolada SSC, ee ay Shan iyo labaatanka Sano Hargaysa ku cunaayeen, ayay bilowday Beesha Caalamku in ay kula xisaabtanto, marka si ay taa uga hortagaan, waxay bilaabeen, in ay Mashaariic yar yar oo caantayn ah, ka bilaabaan deegaanada SSC, yaanay idin

 

Hodin toosu, waayo Irbad daloolkeed ka noqon maayaan Maalaayiinka lacag ah, ee uu aduunku u qorshayay deegaanada SSC, ee ay Somaliland Hargaysa ku cuntay, Beesha caalamku way idiin hiiliyeen, oo way diideen in ay maal gelinayaan diiwaan gelinta ay Somaliland ka damacsan tahay deegaanada SSC, waayo baadhitaan dheer, oo ay samaysay Beesha Caalamku waxay ku

 

Ogaadeen, inaan Gobolada SSC wax Maamul ah la dhisan Somaliland, hadaba idinku gacmihiina ha isku gowricina, oo wax ha u dhimina masiirkiina iyo masiirka ubadkiina, yaanu idin hodin mid aan damiir lahayn, oo xoogaa shilimaad ah ka soo qaatay Somaliland, oo aan isagu beritoo iyo masiirkaaga toona dan ka lahayn, Somaliland Siyaasada oo u qarsooni, waa in

 

Shacabka deegaanada SSC, lagu beeray Goboladaa, oo aanay u dhalin, bal se dhulkaasu uu yahay dhul ay Beelaha Isaaq iska leeyihiin, Marka masiirka ubadkiina ee beritoo ha ku xukumin Qaxooti dhulkooda laga barakiciyo, oo la yidhaahdo Shisheeye ayaad tihiin!!! inta hagaajinta aayihiina ku mashquulsan, ee dhib kasta ugu dhabar adaygay, oo ay Isimadu ugu horayaana, iyo inta ka daba tagtay ee fashilisay beentii uu Ina Ibraahim Cigaal aduunka u sheegay, ha dhabar jebinina, cid idinku qasbi karta ma jirto, ee idinku dhib aad beritoo qoomamaysaan ha isu soo jiidina.

 

Halkan ka daawo Videoga

 

Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam
almutawaadic@yahoo.com