Ciidamada Dowladda oo iskaga baxay Degmada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay iskaga baxeen Magaalada islamarkaana ay u baxeen dhanka Degaanka Shalaanbood oo degmadaasi hoostaga.
Inkastoo aan la ogeyn Sababta Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay uga baxeen Degmada Marka ayaa Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in ay jirto Cabsi ka soo wajahday Dhanka Al-shabaab.
Magaalada Marka ayaa dhowr jeer waxaa Gacan ku haynteeda isku badbadalay Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya