Madaxwaynah Dawladda Puntland oo Hambalyo U Diray Shacabka Muslimiinta ah.

gaas

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 05-July-2016 hambalyada ciidul fidriga u diray dhammaan muslimiinta caalamka gaar ahaan shacab-weynaha  reer Puntland.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed Eebbe uga baryey in ay ku ciidaan  farxad iyo nabad gelyo isla markaana ay is cafiyaan isuguna hambalyeeyaan farxadda maalinta barakaysan ee ciidul firiga.

“ciid mubaarak ciid mubaarak ciid mubaarak, waxaan idiin rajeynayaa indinka, xaasaskiina, carruurtiina iyo eheladiina meel walba oo aad joogtaan in aad ku ciidaan ciid wanaagsan oo nabadgelyo leh.

Waxaan sidoo kale Eebbe idiinka rajeynayaa in sannadkaan sannadkiisa kale aynu ku gaarno nabad gelyo, naxariisa, wadajir, horumar, midnimo iyo dawladnimo”ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Eebbe uga baryey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in ka aqbalo Soonkii ay Soomeen, intii dhimatayna uu ugu naxariisto fadliga Soonka awgii, sannakaan sannadkiisana uu ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.