Hawlwadeenada Warbaahinta Puntlander Oo Shacabka Muslimiinta ah Hambalyo U Diray.

ciid-mubaarag

Dhaman hawlwadenadda Warbaahinta Puntlander oo kala jooga Dal iyo Dibad waxay hambalayo u diraysaa Dhamaan Umadda Muslimiinta ah,kuwaas oo kukala Nool Dunida Daafaheeda.

Agaasimaha guud Ee Warbaahinta Puntlandr maxamed faarax Baaruud ayaa Shacabka Muslimiinta ah ugu Hambalyeeyay Munaasabada Ciidul Fidriga isagoo Shacabka Muslimiinta Alla uga Baryay in Sanadkan Sanadkiisa Xiga barwaaqo ku gaaraan.

Sidoo kale wuxuu Shacabka Soomaaliyeed iyo Dhamaan umada Muslimiinta ah ugu Baaqay in Ay alla ka Cabsadaan Oo ay Dadka walaalahooda oo tabaalaysa u gargaaraan.

Dhanka kale tafaftiraha Guud Warbaahinta Puntlander C/rasaaq Cumar (shiikh aduun)  ayaa Dhankiisa Shacabka Muslimiinta ah Hambalyo ugu Diray isagona Umada Muslimiinta ugu Baaqay inay ka faa,idaystaan Waqtiga ay jaaniska leyihiin.