Dhalashada Shawaal ama Soonfur oo beri galab la eegaayo

resecent-640x399 soonfurDhalashada Shawaal ama Soonfur oo beri galab la eegaayo

dhalashada Bisha Shawaal ama Soonfur ayaa la eegayaa berito galab oo Isniin ah 29Ramadaan, sidaas waxaa yidhi Maxkamada Sare ee Dalka Boqortooyada Carabta ee Sucuudiga, oo ugu yeedhay dadka Muslimiinta ah in ay beritoo eegaan dhalashada bisha Shawaal ama Soonfur, sidaas waxaa soo werisay Wakaalada warark ee Sucuudiga.

Waxayna Maxkamada Sare ugu yeedhay Muslimiinta, in cidii argta dhalashada Bisha Shawaal beri galab, ay ka diiwaan geliyaan Shahaadadooda(Markhaantigooda), meeshii Maxkamad ugu dhow, ama cidii ka masuul ah meesha iyo mandaqadaha ay joogaan.