WARBIXIN: MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND OO SIWEYN LOOGU SOO DHOWEEYEY MAGAALADA GAALKACYO.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo ka kooban labada gole ee dawladda ayaa maanta 30-Jun-2016 safar shaqo ugu amba baxay magaaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa intii ay jidka kusii  jireen waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalooyinka Jalam,  Burtinle, Xarfo, Bacaadweyn iyo Cagaaran, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu mid-mid u gacan qaaday boqollaalkii dadweynaha ahaa e kusoo dhoweeyey magaalooyinkaasi, waxaana uu kula dar-daarmay in ay ka shaqeeyaan adkaynta amniga iyo xasiloonida deegaanadaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale magaalada Burtinle kulan gaar ah kula qaatay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo kamid ah bud-dhigayaashii Puntland, waxaana ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo Islaanku xaaladda guud ee nabad-gelyada gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug waxaa si weyn u soo dhoweeyey Wasiiro, Xildhibaano, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, saraakiil ciidan iyo boqollaal dadweyne ah oo u soo ban baxay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Soo dhoweyn ka dib Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa loosoo gudbiyey qasriga uu Madaxweynuhu ka deggan yahay magaalada Gaalkacyo,  halkaas oo uu kula hadlay qaybaha kala duwan ee warbaahinta isla markaana uga warbixiyey ujeedka socdaalkiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay u yimaadeen magaalada Gaalkacyo sidii isbeddel dhab ah oo dhinaca amniga ah loogu samayn lahaa magaalada  maadaama muddooyinkii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen falal is xig-xiga oo lagu bar-tilmaameed sanayey dadka biri-mageydada ah ee ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambayn Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland meel walba oo ay joogaan in ay la shaqeeyaan laamaha amniga isla markaana ay meel uga soo wada jeesta kuwa cadowga ku ah amniga iyo xasilloonida gaamurtey ee ka jirta Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

IMG_7853

IMG_7850

IMG_7848

IMG_7845

IMG_7841

IMG_7817

IMG_7804

IMG_7794

IMG_7791