QODOBO LAGA SOO SAARAY SHIRKII GOLAHA WASIIRADA IYO CULUMADA SOOMAALIYEED EE MUQDISHO

Gulaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shir la yeeshay Cuilaam’udiin dhawaan ka soo Cabasho ka soo saaray Qodobada Siyaasadda Qaranka ee Jinsiga, si looga qanciyo fasiraadda Qaldan ee laga bixiyay siyaasaddasi oo ay hore u meel mariyeen Golaha Wasiirada.

Golaha Wasiirada iyo Culimada ayaa dood ka yeeshay Dhammaan Qodobada Siyaasadda Gendar-ka, waxa ayna isla qaateen Qodobadan oo uu Warbaahinta u Akhriyay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wax kasta oo shuruuc ama siyaasad ah oo dalka dajinayo in la xoojiyo la tashiga lagala yeelanayo Qeybaha Bulshada gaar ahaan culimad lana hubiyo in aysan ka hor imaaneynin shureecada islaamka.
In guddi ka kooban Culimada iyo golaha wasiirada loo saaro in ay dib u eegis ku sammeeyaan Siiqada ay ku qoranyihiin Qodobada keenay Tuhunka ee ku jira Siyaasadda Jinsiga.
Culimadu waxa ay ka Xunyihiin sida loo fasiray bayaakoodii waxa ayna aaminsanyihiin in cilmada iyo xukuumadda meel uga wada soo jeedaan difaacidda diinta Islaamka.
Ugu dambeyntii kulanku waxa uu ugu baqayaa una soo jeedinayaa Umadda Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara Xasillooni darro, Qilaaf iyo kala Qeybsanaan.
Intaas kadib waxaa Saxaafadda Isna la hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh Bashiir Axmed Salaad, isagoo Xukuumadda Soomaaliya uga Mahadceliyay la tashiga ay ugu yeereen Culimada.

“Bayaankii iyo hadalkii aad maqleyseen ayaan soo wada saarnay anaga haddan culimada nahayna waxa aan ka hadleyno waa danta caamka ah, Cidna ma Ijaafeeneyno mana dhibeyno, weyna ku mahadsanyihiin golaha wasiirrada in ay fursaddaan na siiyeen, oo aan ka wada doodnay kana faa’ideysanay soona saarnay hadalkaa loo mideysanyahay” Ayuu Yiri Sh Bashiir

Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa Hadalkiisa Raaciyay “Waxaan aad iyo aad u sii adkeeneynaa umadda soomaaliyeed in ay ku dadaalaan Walaaltinada iyo Midnimada ayna iska ilaaliyaan waxyaabaha tafaraaruqa ah ee umadda iska hor keeni kara, Dhammaanteen Xil ayaa naga saran ilaalinta Amniga, Nabadda iyo iyo ilaalinta diinteena Islaamka ah ee muqdaska ah”.

R.wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C.rashiid Cali Sharmarke oo hadlaka qaatay ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya aysan marna Aqbaleynin sharci kasta oo ka hor imaanaya Diinta Islaamka.

Waxaan rabaa umadda Soomaaliyeed in aan u xaaqiijiyo hal wax, Shuruucdaan Adduunka la saxiixo waa Heshiisyada iyo Axdiyo Quseeya Bulshada haddey yihiin arrimo Quseeya deegaanka, dhammaan heshiisyadaas waxaa jira Waddooyin sharci oo la mariyo, Hadda Anaga Kii Carruurta ee aan saxiixnay ee Xaquuqda Caruurta waxaa la marsiiyay Baarlamaanka, markuu baarlamaanka dib u Eegay waxaa laga badalay 3 Qodob kadib ayaa xafiiska lagu soo Celiyay markaas ayaan saxiixay, Shuruucdaan waxa ay maraan waddo sharci ah, waxyaabo badan ayaa jiro oo shucuuda caalamiga ah ku jira kana soo horjeeda diinta islaamka iyo dastuurka Qaranka Anaguna marna ma Aqbaleyno mana qaadaneyno” Ayuu Yiri R.wasare Sharmarke.

R.wasaaraha ayaa sidoo kale Yiri “Markasta oo heshiis la saxiixayo waxaa lagu daraa noqul Qoraal ah oo Caddeynaya in haddii waxa la saxiixayo Heshiis Ama Axdi ay kasoo horjeedaan diinta Islaamka, Dastuurka iyo Shuruucda Dalka in dowladda Soomaaliyeed aysan maran u gacan Xernaan doonin, kuna qasbaxaneyn shuruucdaas, Marna ma dhicin Qaladaadka Nuucaasi ah mana dhacayaan hadda waana u xaqiijinay Culimada waana isla afgaranay in qodabadii tuhunka dhaliyay Siiqadooda lagu laabto, laguna qoro siiqo sax ah oo dadku wada fahmayaan” ayuu yiri Mudane Sharmarke.

R.wasaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay Fasiraadda Qaldan ee laga Bixiyay Sharciga Jinsiga.

“Sideedaba Fasiraadda Qaldan waxa ay keeni kartaa Xasaasiyad, Maanta dalka kan uma baahna Xasaasiyad, dalkeena waxaa laga keenay Meel fog sidaa Ogtihiin, meel fiican ayuu marayaa, waxaan ka tallaabsan rabnaa dhibka taagan, ma wanaagsan runtii umadda Soomaaliyeed in dad ay ku hoggaamiyaan waxaan jirin ay maanta ka dhaadhiciyaan oo ah in dowladda Soomaaliyeed ay fasaxday waxa marna aan Anagu Fasaxeynin” Sidaasi waxaa Yiri Mudane Sharmarke.

Ugu dambeyntii Gudiga loo saaray in ay ka soo doodaan Qodobadan ayaa kulamo ka yeelanaya sidii ay uga badali lahaayeen Eray bixinta Meelaha Qaar oo ay culimado Dood ka keeneen.

Xigasho:Sonna