MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND OO GAROOWE KAGA QAYB GALAY MUNAASABAD LOOGU MAGAC DARAY CIIDSIINTA AGOOMAHA

IMG_7598

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta 28-Jun-2016 xarunta Agoomaha Puntland ee Garoowe kaga qayb galay Munaasab loogu magac daray Ciidsiinta Agoomaha, taas oo loogu talo galay in Agoomaha looga farxiyo iyadoo la guddoonsiinayo agabkii ay ku ciidi lahaayeen.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasaaradda Caddaaladda dawladda Puntland oo door weyn ku lahayd taakulaynta Agoomaha iyo Urur lagu magcaabo Maamuus oo iskii isu xilqaamay isla markaana ka shaqeeya caawinta Agoomaha.

Agoomahaan ayaa la guddoon siiyey agab isugu jira dhar iyo kabo, kuwaas oo loogu talo galay in lagaga qayb qaato farxad gelinta agoomaha ee maalinta ciidda maadaama aanay jirin  meel kale oo ay ka heli karaan waxyaabaha ay u baahan yihiin si ay muslimiinta farxadda ciidda ula wadaagaan.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Agoomaha ay dawladdu masuul ka tahay isla markaana ay muhiim tahay in marwaba si dhow loola socdo xaaladdooda.

“dadkaan waxaa masuul ka ah dawladda, waana wax laynagu eegayo ka masuul ahaan iyo ka dawlad ahaanba ilaahay ayaana inagu eegeya, way dhacdaa in dadka nugulka ah lag ail duufo laakiin maaha dhaqan wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay dawladdu mar walba il gaar ah ku hayn doonto agoomaha iyo dadka nugulka ah, waxaana uu ugu baaqay  Madaxweynuhu dhammaan dadka muslimiinta in ay si hoose ula socdaan xaaladaha dadka maatida ah.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa carruurtii agoonta ahayd mid-mid u guddoon siiyey haddiyadihii loogu talo galay in ay kaga qayb qaataan  farxadda Maalinta ciidda waxaana uu u rajeeyey sannadka sannadkiisa in ilaahay ku gaarsiiyo barwaaqo iyo  caafimaad.

—Dhammaad—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_7609

IMG_7611

IMG_7622

IMG_7645

IMG_7648

IMG_7656

IMG_7667