Prof. Jurille oo 13 sifo ka bixiyey marxuum Burci Maxamed Xamza.

Burci iyo JurileProf. Jurille oo 13 sifo ka bixiyey marxuum Burci Maxamed Xamza.

Xildhibaan Prof. Cabdirisaaq Cusmaan Jurille oo lasoo xiriiray Caasimada Online ayaa ka tacsiyeeyey geeriada Allaha u naxariistee Burci Maxamed Xamza oo ahaa Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka, oo June 25, 2016, ku geeriyooday Caasimadda Muqdisho.

PROFESSOR BURCI MAXAMED XAMZA, ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday hotel Nasa Hablood 25-kii bishan Juunyo 2016ka.

Jurille waa uu yiri “Waxaan ilaah uga baryeynaa in uu Jannada ka hoy uga dhigo, kana samir siiyo Qoyskii, Eheladii, Saaxiibadii iyo dhammaan ummadda,Soomaaliyeed.

Jurille ayaa ku sifeeyey Xildhibaan Professor Burci in;-

1 – Wuxuu ahaa muwaadin qaali ,

2 – Wuxuu ahaa adeege daacad u ah dhammaan ummadda Soomaaliyeed,

3 – Wuxuu ahaa bare wax soo baray boqolaal bare ee ilaa maanta iyagu waxbara ilma Soomaaliyeed,

4 – Wuxuu ahaa Danjire diblomaasi hawl karnimadiisu tahay heer ka kowaad ,

5 – Wuxuu ahaa xeel dheere maamul dawladeed yaqaan ,

6 – Wuxuu ahaa sharci dejiye damiir leh oo taxadar badan,xildhibaan xilku dhibo ah,

7 – Wuxuu ahaa mar walba u doode danyarta, dhallinyarada iyo ilaalinta qaranimada,

8 – Wuxuu ahaa aqoonyahan,khabiir cilmi baare ah   kuna takhasusay cilmiga biyolojiyada (biology),

9 – Wuxuu ahaa khabiir ku hadla waxana ku qora afaf badan

10 – Wuxuu ahaa qareenka, ilaaliyaha iyo af hayeenka ilaalinta beyadda deegaannada Soomaaliyeed (environment protectionist)

11 – Wuxuu ahaa hanti Soomaaliyeed oo socOta oo hadleysa markasta oo aad aragtona qoslaya,

12 – Wuxuu ahaa BARAWAANI BARAWAANI DHALAY OO LABA XINIINYOOD AH,

13 – Wuxuu ahaa saaxiibkay aan jeclahay.

Ilaahow u naxariisto, Ilaahow u naxariiso, Ilaahow u naxariiso.