Mahadtiir Max’ed oo doonaya in uu xilka ka qaado Ra’isalwasaaraha Malaysia..

 Mahathir-MohamadMahadtiir Max’ed oo doonaya in uu xilka ka qaado Ra’isalwasaaraha Malaysia..

Hoggaamiyihii hore ee Dalka Malaysia Mahatiir Max’ed ayaa billaabay olole uu ugu magacdaray “Dhaqdhaqaaqa Badbaadi Malaysia”,waxaana uu ka cabanayaa in Dalka Malaysi Ninka hadda Ra’isalwasaaraha ka ah ee Najib Razak uu musuq ku hayo Dalkiisa.

Ra’isalwasaarihii hore ee Dalka Malaysia,Mahatiir Maxamed ayaa waxaa uu Ra’isalwasaaraha Malaysia Najiib Razak ku eedeeyay in Balaayiin dollar oo Lacagta Qaranka ah uu dhacay kuna shubtay Akoonno uu gaar u leeyahay,in uu khalday hab maamulkii uu ka tagay Mahatiir ee nidaamka dibmuqraadiga..

Ra’isalwasaare Najiib ayaa dafiray eedaha uu u soo jeediyay Ra’isalwasaarihii hore ee Dalka Malaysia,waxaan uu ku tilmaamay in Mahadtiir uu doonayo in uu Talada dalka dib ugu soo laabto.

Lacag dhan $700Milyan oo dollar ayaa lagu arkay Akoonka gaarka ah ee Ra’isalwasaare Najiib,amana lahayn markii uu qabanayay Talada Dalkaasi lacagta intaa la eg,waxaana ay Siyaasyiin badan oo Mucaarid ah ay tuhmayaan in Najiib uu ku takrifalayo Hantida Dowladda.

Mahadtiir oo Malaysia Ra’isalwasaare ka ahaa 22Sano ayaa kula taliyay Najiib Razak in uu Xafiiska isaga tago kadib markii uu ku eedeeyay Boobka hantida Qaranka iyo maamul xumo oo la soo baxay.