Waddamo kale oo ku jira Midowga Yurub oo doonaya in ay maraan wadada Ingiriisku marey

British-Union-Jack-FlagWaddamo kale oo ku jira Midowga Yurub oo doonaya in ay maraan wadada Ingiriisku marey

Xisbiyada mucaaradka ee waddamada Fransiiska, Nederland iyo Spain ayaa lagu soo warramayaa in ay doonayaan in ay maraan wadada haatan uu Ingriisku maray ee ay kaga bexeen daladda Midowga Yurub.

Geert Wilders oo ah mucaarad kasoo jeeda dalkaasi Nederland ayaa isagu waxa uuba xiddig ka jaray calanka Midowga Yurub, isagoona sheegay in dadka reer Nederland oo ku baraarujin doono in ay maraan wadada Ingriiska.

Dhanka dalka Fransiiska hoggaamiyaha xisbiga Front National Marine Le Pen ayaa iyaduna waxa ay shacabkeeda reer Franse ugu bishaareysay in ay mudo lix bilood ah kaga saareyso daladda Midowga Yurub, haddii loo doorto talada dalka.

Isku soo wada duub wadamada Ingriiska, Jarmalka iyo France ayaa iyagu laf-dhabar u ahaa daladda Midowga Yurub, waxaana iminka meesha la baxay Ingriiska – haduu faransiiskuna isna ka boxo waxaa meesha ku bur-buraya daladda Midowga Yurub.